tawakal expressgolis logo



Turkiga oo soo gabagabeeyay dhismaha saldhigga milateri ee u ka waday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la soo gabagabeeyay dhismihii saldhigga milateri ee ay ka waday magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka.

Safiirka dowladda Turkiga u jooga Muqdisho,Amb. Olgan Baker ayaa xaqiijiyay in la dhammeystiray dhismaha saldhigga oo ka socday deegaanka xeebta leh ee Jazeera oo ka tirsan dulleedka Muqdisho.

Danjiraha ayaa isagoo wariyeyaasha kula hadlayay xarunata safaaradda Turkiga,wuxuu sheegay in wixii loo gaaro bisha Ogosto uu si rasmi ah shaqada u billaabayo saldhigga,isla xilliga ayuu sheegay Muqdisho inay soo gaari doonan saraakiisha milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd ciidamada Soomaalida.

“Bisha September ee soo socota ayaa si rasmi ah loo furaya saldhigga,waxaa ay tahay rajadeena kumanaan askar Soomaali ah inay halka tababarro ku qaataan.” ayuu yiri daljire Olgan Baker .

Turkiga ayaa horey taageerro kala duwan u siiyay dowladda Soomaaliya,wuxuuna hadda doonaya inuu ka soo baxo ballantii ku aadaneyd sidii ay tababarro u siin lahaayeen ciidamada Soomaalida.

Warar kale oo aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in saldhigga uu furi doono madaxweynaha Turkiga,Recep Tayyib Erdogan oo labo mar oo hore Muqdisho u yimid furitaan mashaaric kala duwan oo ay ugu dambeysay safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ah mida ugu ballaaran ee u dibadda ku leeyahay.

Xukuumadda Ankara waxaa loo arka inay tahay awooda ugu weyn ee sida muuqata u garab istaagtay Soomaaliya,isbadallada dalka ka dhacaya ayaa la sheega Turkiga xata inuu door ku leeyahay,maaddama mashaaric horumarineed uu ka hirgeliyay caasimadda Muqdisho.
__
RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *