tawakal expressgolis logo



WAXQABADKISII MADAXWEYNE GAAS IYO DOWLADDISII DHACDAY !! W/Q Mahamud Farah

WAXQABADKII MADAXWEYNE GAAS IYO DOWLADDISII DHACDAY !!
Mahamud J.Farah
Mahamudjfarah@gmail.com
July 26, 2017


Puntland waxaa ilaa iyo hadda soo xukumay shan madaxweyne oo ugu horreeyey Cabdulahi Yuusuf Axmed, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa Aabihii iyo Aas-aasihii Puntland iyo waliba inuu noqday madaxweynihii qaybta weyn ka qaatay rajadii dowlad Somaliyeed mar labaad madaxtooyada u sal-dhigan lahayd .

Maxamed Cabdi Xaashi, Boqor Cadde Muuse( Alle ha u nasariiste), C/raxmaan Faroole dhammaantood wax weyn oo la taaban karo ayey usoo qabteen dadweynaha reer Puntland iyo Somaliyaba, oo mid walbana waxqabadkiisa lagu xusuusandono.

Cabdullahi Yuusuf Axmed

Haddaba, haddaan dib u jaleecno C/Wali Cali Gaas, wuxuu soo noqday Wasiirka kowaad ee dowladda Federaalka waqtigii madaxweyne Shiikh Shariif, wuxuuna dowladdii ku meel gaarka ahayd ka saaray ku meel-gaarnimadii, waxaa la qoray Dastuurka ku meel-gaarka ah, lana ansixiyey ku dhaqankiisa inta afti dadweyne loo qaadaayo, wixii khaldanna laga saxaayo, mudadii koobnayd ee uu hogaanka Dowladda Federaalka hayeyna wuxuu qabtay wax qabad la taaban karo.

C/Wali waxaa loo doortay madaxweynihii shanaad ee Dowlad Goboleedka Puntland oo uu hadda yahay, wuxuuna faroole kaga guulaystay Hal cod oo kaliya, dadkuna rajo wanaagsan bay ku qabeen inuu reer puntland midayn-dono, horumar iyo wax qabad muuqda la imaando.

Haddaba, Gaas muxuu reer Puntland u qabtay oo lasoo shir-tagay??

Dhinaca Amniga :

wuxuu galay dagaalo kharaar ee siyaasadeed oo meelo kala duwan ka imaanayey, amnigana khalkhal galiyey; waxaa weerar culus oo qorshe dheer lahaa kuso qaaday Al-Shabaab, waana ku jabeen dagaalkaas, waxaana caddaatay inaysan Al-Shabaab iska celin Karin dad midaysan.Roobkii ka da’ay Puntland waxaa usoo guuray Somali badan oo dariska la’ah reer puntland, nabad bayna ku dhex dagan yihiin xiligaan, daaqa iyo nimcada Allana la wadaagaaya.

Dhinaca Kaabayaasha Dhaqaalaha:

Waxaa la qoday ceelashii ugu badnaa abbid ee Puntland laga hirgaliyo, gobol walba waxaa laga qoday ceelal, haddana wali waa socotaa qodiddoodu; waxaa xariga laga jaray Airportka Bosaso, waxaa dhawaan la dhamaystirayaa midka Garoowe, ayadoo lacagtii ka dhimanayd ee wajiga labaad ee Kuweyd laga sugaayey oo ilaa iyo hadda aan la helin, uu madaxweynuhu ku daray $ 2.5 milyan lacag hormaris ahayd ee ka timid Emaraadka, looguna talagalay duminta guryaha u dhow Dekadda Bosaso, muddo sadex bilood gudahood ahna lagu soo gaba-gabayndono dhamaystirkiisa, Ilaah mahaddiis. waxaa bilowday wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, inkastoo dibudhac ku yimid, muddo horana la filaayey in la dayactiro, ayadoo baahi weyn loo qabo wadadaas; waxaa dhammaad ku dhow wadada Eeyl iyo Garoowe, waxaa hadda la banaynayaa oo bilaabanaysa dhismihiisu Airportka Gaalkacyo ee C/Laahi Yuusuf; muddo aan dheerayn, haddii Ilaah idmo, waxaa la furayaa Kastanka (Custom) Tuur-Dibi oo Itoobiya iyo Puntland si toos ah isugu xiridoona; Dowladda Turkigu waxay Gaalkacyo ka dhisaysaa Dugsi farsamada gacanta lagu barto, Isbitaal weyn oo wax walba u dhan yihiin, xurunta Dowladda Hoose loga taliyo, Saldhig Booliis iyo wadooyinkii dhex mari lahaa;waxaa rajo wanaagsan laga-qabaa in la dhiso dakadda Garacad iyo wadada Garacad iyo Gaalkacyo isku xirta, wadada Ceerigaabo iyo Ceel Daahir oo meel wanaagsan maraysa, waxayna dowladda madaxweyne Gaas ugu deeqay dhaqaale dhan hal milyan oo Dollar oo lagu dhamaystiro mashruucaan, waxaase ugu wanaagsan oo ah wax lagu naaloodo dhismaha dakadda Bosaso, taas oo noqon-donta wanaag kuso kordhay mustaqbalka dalka Somaliya, lana tartamidoonta Dakadaha kale, dhaqaale weynna laga helidoono, inay hirgasho dhismaha Bosaso waa lama huraan.

Dhinaca Siyaasadda:

C/Wali Cali Gaas wuxuu xiriir wanaagsan la sameeyey dariska reer Puntland, gaar ahaan Itoboya, Jabuuti, Kilinka shanaad ee Somalidu ay dagto, Imaaraadka iyo dhammaan wadamada daneeya arimaha Somalida.

Dhinaca doorashooyink 2019 ee reer Puntland meel wanaagsan bay maraysaa, waxaana la sugayaa ku dhawaaqista xisbiyada, mar-dhowna waa la filayaa.

Haddaba, Siyaasiyiinta Somaliyeed waa inaan si cadaalad ah u qiimaynaa, anagoo eexasho iyo nin jeclaysi ka dheer, waxay qabteena soo bandhignaa, waxay ka seexdeena soo hordhignaa, dhaliishodana dadka u sheegnaa.

C/Wali Cali Gaas, aniga aragtidayda waa qofka kaliya ee ilaa iyo hadda wax-qabadkiisu muuqdaa, wallow wali wax fara badan u dhiman yihiin, wax bandanna uu lasoo daahay, dhaliilana yeelanara.

Haddaba, ma mudnayd in la kala diro dowladdii dhisnayd ee C/wali Cali Gaas??

Mahamud J.Farah
Fort Mcmurry, AB.
Mahamudjfarah@gmail.com

====

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA Raxanreeb@gmail.com



2 Responses to WAXQABADKISII MADAXWEYNE GAAS IYO DOWLADDISII DHACDAY !! W/Q Mahamud Farah

  1. puntlander

    July 26, 2017 at 7:16 am

    “Haddaba, Siyaasiyiinta Somaliyeed waa inaan si cadaalad ah u qiimaynaa, anagoo eexasho iyo nin jeclaysi ka dheer, waxay qabteena soo bandhignaa, waxay ka seexdeena soo hordhignaa, dhaliishodana dadka u sheegnaa” waa oo waa sax ee maxaad u qori weyda adigu wixii uu ku guul daraystay maad joojiso eexda iyo nin jeclaysiga ?

    2. dekada u dhisay imaratku , iskuulka turkigu dhisay . airporta china dhisayso, kan talyanigu dhisay. ceelasha diakonia dhistay wax qabad miyaad hada nooga dhigaysaa aaway wixi dowladu qaban lahayd dalku ma NGO baa mise waa dowlad budget iyo canshuur leh kuwala yaabi mahayo kuwa badan ba kula caqliya Gaas wax aan ku amaano garan mahayo anigu oo aan ka ahayn dawarsi iyo inuu dhulkii beeciyay oo dhagxaantii iyo mawaqiftii dalka ku badashay projectiyo kooban oo uu shacabka maskaxdooda ku dawakhiyo intuu hanti uruursiga ku jiro

  2. puntlander

    July 26, 2017 at 7:21 am

    dariskuu wuxuu la yeeshay xiriir wanaagsan sida jabuti emaratka kuwaas miya puntland daris la ah mise waa wasiirki arimaha dibada somaliya aaway godad iyo caduun beshiisa beesha daris ugu dhaw muxuu ula heshiin waaya?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *