tawakal expressgolis logo



19 sano ka dib Puntland ma qaan gaarin!! W/Q Cali Cilmi Soomow

19 sano ka dib Puntland ma qaan gaarin!!

Cali Cilmi Soomow

calisoomow@yahoo.com
August 2, 2017
Ha la heeso! Ha la gaardiyo! Ha la cuno! Ha la cabo! Ha la qayilo! Laakiin Puntland waa qqan gaari la,dahay, waxaaba ugu daran waxay dib ugu noqotay casrigii dhul goosadka sidii uu dalku yahay meel hadda la healy, bal adinku yaabkaan ka warama, arrin argagax leh oo ay heshiis ku yihii Ninka madax-weynaha cabdi wali, wasiiradiisa, parlamaanka, iyo niman ganacsata ah oo yaab leh baa dalka ka socota, shacabka heesaya waa baahanyihiin, naf baa heesta u geynaysa.

Puntland wali meelo badan oo ka mid ah abaaro ayaa ka jira, meelihii yaraa ee maalmihii dhoweyd uu roobka ka qoyayna niman sara jiifa oo aan xoolo lahayn oo ganacsato ah baa silig ku wareejistay oo askar ay dowladda siisay baa u ilaalisa, xoolihii oo gaajaysan baa banaanka tuuran oo aan loo oggoleyn inay galaan, bal inkaartan daya, adinku taas ma la yaabaysaan Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin, dhulka sidaas loo goostay iyo xoolihii laga gaajaysiiyay waxaa shirka ku ah Madaxweyne Cabdi Wali Gaas, xubno wasiiradiisa ku jira, ganacsato, gudoomiyeaha gobolka nugaal iyo degmada garowe, 19sano ka bacdi Puntland heerkaas bay maraysaa, ha la heeso ha la cuno, ha la cabo ha la qayilo! Oo yaa diidi kara?!!

Odaygii halkaan buu shaal weynyahay! Wadaadkii halkaan buu cimaamad weynyahay, labadba waxaad moodaa in la yiri haweenka iyo caruurta keliya wax u sheega, waxna ma diidaan waxna ma yeelaan, waxaana la moodaa inay isu bedeleen xildhibaano qarsoon oo ansixiya wax uu rabo qofkii lacag haysta! Waa Puntland nabad bay ku faantaa, shacab masaakiin ah oo nidaam iyo dowlad jecel baa jooga, nabadda ay siyaasiyiinta Puntland ku faanaan waa mid ka soo jeedda fahamka iyo dhaqanka dadka shacabka ah, oday baan keenin, sheikh baan keenin, siyaasi baan keenin, aqoonyahan baan keenin, laakiin nasiib darrada dhacday shacabkaas wali sooma marin madax nabaddaas uga faa’idaysa, haba ugu darnaado midka maanta jooga Cabdi wali Gaas oo nabadda jacaylka shacabka, iyo dhaqankooda wanaagsan u qaatay Jaahilnimo iyo inay yihiin dad faqri ah, laakiin aan weydiiye Gaas waagii hore Puntland Forum markii uu kuma aysan jirin ee muxuu hadda ku keenay? Waa iska cadahay wuxuu ku keenay oo wuxuu la yaabanyahay siduu ula dhaqmay iyo sidaan cidna uga ficilo qaadanayn! Ha la qayilo!

19 sano ka dib, wali reer puntland dadka madaxda u noqonaya dibadaha ayeey ka keensadaan, madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, wasiir, wasiir ku xigeen, wasiirudowlo, xataa madaxa xafiiska madaxweynaha, toban iyo sagaal jir aan wali qaan gaarin! Ha la cuno! Ha la cabo! Ha la qayilo! Muddadii ay Puntland jirtay ardaydii dugsiyada sare ka baxday iyo kuwii jaamacadaha ka baxay wali badahay ku dhammaadaan iyagoo tahriib ah oo nolol doonaya! Midda yaabka leh oo ka sii daran intii soo harta oo tahriibi waysa hadii ay meelo un shaqo ka heli lahaayeen sida xawaaladaha, askarta ay dalalka shisheeyaha ah qoranayaan sida Imaaraadka Carabta iyo Amerikaanka waxaa booska ka qaadaya wiil ama gabar uu madaxweynaha ama wasiiradiisa ay dibadda ka keeneen! Xataa iyagii madaxda sheeganayay ay ciidamo calooshood u shaqaystaal ah dadkay gaajaysiiyeen ku qabsanaya! Ileen gafanuhu ilaa uu dhinto ma dhergo! Waxaas oo dhan ceeb looma yaqaan, waa dhab ceeb looma yaqaan, oo arki maysid qof keliya oo dhaliilaya ama cambaarayniya!

Cabdi Wali Gaas, ilaa intii uu talada Puntland yimid wuxuu ku mashquulsanaa noloshiisa gaarka ah, siduu dhaqaale u heli lahaa, siduu lacag uga samayn lahaa xilka iyo amaannada ay uu ku helay halka cod ee xumaaday, asxaabtiisa waxy yiraahdaan xolaha la boobayo wuxuu ku soo bartay dowladda federalka intuu ku dhex jiray, waxay kaloo sheegaan inuu ku dayday Xasan Sikh maxamuud, laakiin mid baan muran ku jirin in Cabdi wali gaas uu yahay madaxweynahii puntland ugu boobka badnaa hantida dowladda marka la garab dhigo afartii madaxweyne ee isaga ka horeysay. Waxaana arrin xiiso badan ah inuu hadana yahay madaxweynihii ugu canshuur kordhinta badnaa isla markaasna uu galayo kaalinta kowaad ama labaad madaxweynihii ugu liitay xagga bixinta mushaaraadka shaqaalaha! Ha la dabaal dego! Puntland waa toban iyo sagaal jirsatay laakiin wali waa qaan gaari la,dahay!

Yaa salaam yaa xabibti Puntland! Inta lagu dilay baa hadana lagu nabsanayaa, oo laguu heesyaa, oo adigoo mayed ah oo lagu dilay magacaagii lagu faanayaa! Puntaland gabartii quruxsanayd Cabdiwali guurkiisii gaajo iyo arrad badanaa ! basaas badanaa! Dar xumo weynaa! Maalin kasta lacag been ah buu daabacaa dal wax looguma qabto, oo dad wax lagama siiyo, oo shaqaalihii waa ku mushaar la,yahay. Ha la cabo Puntland waa toban iyo sagaal jirsatay laakiin wali ma qaan gaarin! Abooto laakiin ma ka sii xumoo hee Somaliland oo lamaatan iyo todobo oo sano jirsatay oo hadda lee kow duurka sii gelowhayso? Ceel ma u qodno cidna ma u maqna, Soomaaliya waa 57 jirsatay walina ma qaan gaarin!!!

Cali Cilmi Soomow

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *