tawakal expressgolis logo



(Daawo Muuqaal)Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey golaha Wasiiradda.

Garowe-(RBC Radio)-Kal-fadhiga 39-aad Fadhigiisa 22-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa maantay la hor geeyey golaha wasiiradda uu soo dib u soo magacaabay Madaxweynaha Puntland.

49 Mudane oo isugu jira Wasiiro,Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal u badan wasiiradii hore ayaa maantay hor tagay Baarlamaanka waxaana ka maqnaa afar wasiir tirada wasiirada oo ka kooban 53 wasiir.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban ka jeediyey fadhiga ayaa sheegay in puntland ay ku jirto marxalad adag ayna ahaan karin xukuumad la,aan,waxaana uu ka codsaday xildhibaanadu inay codka kalsoonida siiyaan xukuumada.

Ugu danbayntiina 61 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey golaha xukuumada,3 xildhibaan way ka aamustay gudoomiyuhuna ma codayn sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Hoos ka daawo Muuqaal dhamaystiran.

____

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *