tawakal expressgolis logo



DANYARTA DARUUFAYSAN IYO DIBIN-DAABYADA SICIRKA MAQAAL. W/Q: Abdulahi Abdirahman Gardaad

 

DANYARTA DARUUFAYSAN IYO DIBIN-DAABYADA SICIRKAMAQAAL.

Abdulahi Abdirahman Gardaad

gardaad2017@gmail.com

August 2, 2017

Dunida aynu ku nool nahay kama dhamaato is gumaysi iyo isu xoog sheegasho qaababka la isu gumaystana waxaa ka mid ah in majaraha loo qabto dhaqaalahaaga, in la maamulo sicirka badeecada ay noloshaadu ku xiran tahay, in ra’su-maalkaagu noqdo lacag aadan adigu samaysan cida samaysana aadan ab iyo isir toona la wadaagin.

Wixii ka danbeeyey bur-burkii dawladii dhexe ee maxamed siyaad barre hogaanka u hayey dalkeenu waxa uu ku jiray mawjado dhibaatooyin ah oo ay ugu wayn tahay mida nolosha oo gaartay heer dad badan oo danyar ah ku adkaatay in ay helaan nolol-maalmeedkooda iwm. Madaama wadankeenu burburay kala danbayntiina meesha ka baxday waxaa jirta in uusan lahayn lacag rasmi oo fadhida taa bedelkeed maamul waliba waxa uu soo saaray ama samaystay lacago uu ku sheegayo in iyada oo kaliya saxan tahay. Lacagaha noocaas ahi waxa ay ahaayeen shilin soomaaliga laga isticmaalo dalka iayadaana wax lagu kala iibsan jiray dhamaantoodna waa isku nooc waxaana ku qoran shilin soomaali marka laga reebo maamulka soomaaliland.

Iyadoo taasi jirtay ayaa waxaa wadanka ka dhacday abaar alle ma ahane aysan cid kale ogaan Karin dhibta ay gaysatay waxaana arrintaas ka dhashay in dad badan oo hanti lahaa ay hada noqdaan cayr fara maran oo aan beerkooda beer ka xigin. Qofkii taga meelaha dadku isugu yimaado sida kaamamka, baraha qaxootiyada, cusbitaalada iyo meelaha la mid ka ah waxa uu dareemi karaa dhibaatada ka dhalatay abaartii ina soo martay ee xoolaha badan galaafatay.

Iyadoo ay taasi dhacday ayaa waxaa xigay in ay timaado aafo kale oo oranaysa lacagta shilin soomaaliga ah yaan la qaadan hadii aysan ahayn tii maamulka meesha aad joogtid uu samaystay!!!!. Waana in la kala sooco hadii aad wadatid mis isku jir ah. magacyo kala duwan ayaaba loo bixiyey sida cadaado, garowe iwm.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mida tusaale hooyo soomaaliyeed ayaa waxa ay xawaalada ka soo qaadatay boqol doolar waxa ay gaysay sarrifka waxaana loogu sarrifay seddex malyan oo shilin soomaali ah balse nasiib darro markii ay suuqa la aaday oo ay damacday in ay ku adeegato waxaa lagu yiri lacagtaadu ma shaqaynayso ee iskala laabo!! Ama inta la kala soocay ayaa qaarna la daadshay qaarna la qaatay !!.

Tusaale kale nin xoogsade ah oo caruurtiisa bariiskooda har iyo habeen u taagan oo aan doolar iyo dirham midina soo galin ayaa waxa uu soo shaqaysanayaa dhawr boqol oo shilin soomaali ah balse markii uu suuqa tago oo uu is leeyahay wax uun ku gado ayaa la oranayaa lacagtaani ma shaqayso ee iskala laabo!!.

Arrintaani waxa ay noqotay masiibo dhulka la goysay dadkii awalba danyarta ahaa ee awalba la daalaa dhacayey nolol maalmeedkooda waxaana marag-madoonto ah in ay tahay abaar labaad oo dadka si gaara u taabanaysa.

Hadaba waxaa is waydiin leh arrintaan yaa masuul ka ah? yaa amarka ku bixiyey in lacagta qaarna la qaato qaarna la diido? Yaa ka danbeeya in maciishadu kacdo oo sicir barar yimaado?. Suaalahaas iyo kuwo kalaba waxa ay ka mid yihiin suaalo badan oo jawaabtooda lagu wareersan yahay. Balse waxaa iska cad iyo maamuladu ay yihiin dadka dhibaatadaan masuuliyadeeda qaadaya sababtoo ah iyagaa kitaab u maray ilaalinta diinta, dadka iyo dalkaba iyagaana laga rabaa in ay ilaaliyaan waxkasta oo dhib u gaysan kara noloshasha dadka.

BAAQ

✓ Waxa aan halkaan baaq uga dirayaa dawlada federalka soomaaliya ee ay hogaanka u hayaan madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo R/W Xasan Cali Khayre in ay raadiyaan lacag soomaaliyeed oo midaysan oo wadanku yeesho si looga gudbo dhibaatada inaga haysata dhinaca lacagta oo hada noqotay mid aad u balaaran.

✓ Maamulada dalka ka jira waxa aan xasuusinayaa in alle kula xisaabtami doono masuuliyada saaran cidkasta oo ku hoos noolna ay masuul ka yihiin waxkasto oo noloshooda dhibayana ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan. Sidaa darteed waa in ay ogaadaan hadii ay iyago madax yihiin oo doolar haystaan dadku doolar ma wada haysto, hadii ay gadan karaan badeeco qaali ahna dadka ma wada awoodo badeeco qaali ah.

✓ Dadka sarrifka ka shaqeeya iyo ganacsatada ee marka doolarka loo keeno shilin soomaaliga bixinaya marka shilin soomaali loo keenana diidaya ama kala soocaya ha ogaadaan in ay beecooda xaaraan ka dhigayaan hadii ay sidaas u dhaqmaana ay la mid noqonayaan burcada dadka baarata ee wadada taagan oo kale. Hadii aysan shilin soomaaliga qaadan Karin waa in ay dadka doolarkooda u daayaan.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *