tawakal expressgolis logo



Madaxweynaha cusub ee Kenya oo lugu dhawaaqay

Nairobi (RBC Radio) Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday Talaadaddii,taaso si weyn looga war-sugayay.

Kenyatta oo doorashada ku matalayay xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.

Goobta looga dhawaaqay madaxweynaha cusub ee Kenya, waxaa ay guddiga ku wareejiyeen Kenyatta shahaaddo caddeyneysa inuu isago guuleystay.

Ka hor inta aan natiijadda lugu dhawaaqin xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha cusub  oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu dambeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Gor dhow la soco warbixin faahfaahineysa doorashada

___

RBC Radio



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *