tawakal expressgolis logo



Madaxweyne Farmaajo oo amrey howlgal qorsheysan oo lugu dilay sarkaal ka tirsan al-Shabaab

Muqdisho (RBC Radio)  Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo  laga  fuliyey deegaan ku yaalla dulleedka magaalada Muqdisho oo lugu magacaabo  ShaashWeyn, halkaas oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab,sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo Raxanreeb la soo garsiiyay.

“Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.”ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka oo intaas ku darray “Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).”

Gabagabadii,warsaxaafadeedka waxaa lugu caddeeyay madaxweynaha iyo dowladda inay ka go’an tahay sidii al-Shabaab looga cirib tiri lahaa xalka  si shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

Dowladda ma sheegin magaca sarkaalka weerarka lugu dilay,balse warsaxaafadeedka waxaa lugu sheegay weerarka inay ka qeybqaaten saaxibadda dowladda ee beesha caalamka.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *