tawakal expressgolis logo



Madaxweyne Farmaajo oo xildhibaanada ku ammaanay ansixinta Xeerka Isgaarsiinta

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta anxisiyay Xeerka Is-gaarsiinta dalka.

Madaxweynaha oo booqday xarumaha telefishinka dowladda ayaa wareysi toos ah oo uu bixiyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay meel marinta xeerkan, isaga oo ugu baaqay mudanayaasha Aqalka Sare in ay dhankooda muddo kooban ku ansixiyaan xeerkan.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo mudanayaasha baarlamaanka sida ay ahmiyadda u siiyeen ansixinta xeerkan.” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxwaynuhu waxa uu warbixinno ka dhagaystay madaxda warbaahinta qaranka, gaar ahaan Agaasimyaasha Radio Muqdisho, Idaacadda Codka Ciidamada iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeerkiisa kusoo gaba-gabeeyey xarunta kaydka Radio Muqdisho halkaas uu dalacsiin hal darajo ah ku siiyay madaxa kaydka Raadiyaha Gaashaanle Dhexe Abshir Xaashi Cali oo gacanta kusoo hayey kaydka Raadiyaha tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *