tawakal expressgolis logo



Mareykanka oo sheegay inay ciidamadiisu fuliyeen duqeyn ka dhacday meel u dhow Muqdisho

Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeyn qorsheysan oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab maalintii Khamiista ee shalay.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Shaashweyn ee u dhow magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntu ahayd mid lala beegsaday koox mintidiinta Al-Shabaab ka tirsan oo halkaa ku sugnaa.

Mareykanku weli ma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta, waxayna war saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhiga ku sheegtay inay weli waddo qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo cida ay beegsadeen.

Dhanka kale, war saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray duqeyntaasi Khamiistii ka dhacday duleedka magaalada Muqdisho.

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *