tawakal expressgolis logo



Natiijada doorashada Kenya oo maanta lagu wado in la shaaciyo xilli dadka ay sugayaan

         Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kenya Wafula Chebukati.

Nairobi (RBC Radio) Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in maanta oo Jimca ah ay soo dhameystiri doonaan tirinta natiijada doorashada dalka ka dhacday maalintii Talaadada, ayna ku dhawaaqi doonaan cidda ku guuleysatay jagada madaxtinimada dalka.

Shir jaraa’id oo xalay uu qabtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kenya Wafula Chebukati ayuu ku sheegay in waraaqaha lagu diiwaangaliyay natiijada doorashada ee tirintooda ay ka socotay xarunta guddiga ee Bomas ee ku taalla Nairobi ay dhammaad ku dhow yihiin.

Dalka Kenya ayaa ka kooban 290 degmo, iyadoo guddiga uu hadda tiriyay illaa 270 degmo natiijadii ka timid.

UHURU vs ODINGA

Illaa hadda waxaa natiijada hordhaca ee guddigu soo bandhigay ku horreeya madaxweyne Uhuru Kenyatta oo heysta codad kor u dhaafay 8 milyan, halka musharraxa ku soo xiga oo ah musharaxa mucaraadka Raila Odinga uu heysto illaa 6 milyan.

Hase yeeshee Mr. Odinga ayaa diidan natiijadda hadda bannaanka taalla. Waxaana Odinga uu sheeganayaaa in codadka uu xisbigiisu tirsaday ay yihiin 8.4 milyan halka uu dalbaday in isaga madaxweyne loogu dhawaaqo, taasoo Guudiga Doorashada uu diiday.

CABSIDA DADKA

Dadweynaha ayaa cabsi iyo dhega taag ku sugaya natiijada doorashada in lagu dhawaaqo. Waxaa maalintii saddexaad xiran ganacsiyada iyadoo gaadiidka dadweynaha uu gaabis yahay caasimada Nairobi, halka magaalooyinka qaar ay ka dheceen rabshado maalmihii la soo dhaafay.

Cabsida ugu weyn ayaa ah sida taageerayaasha Raila Odinga u aqbali karaan haddii Guddiga Doorashooyinku ku dhawaaqaan in madaxweynaha Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada, iyadoo dadku xusuusan yihiin rabshadihii dad ka badan 1,400 ku dhinteen ee ka dhacay dalka 2007 markaasoo doorashooyinka guud lagu murmay.

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *