tawakal expressgolis logo



Puntland oo beenisay Soomaaliland inay kula heshiiyeen sanduuqyada cod bixinta in la keenno gobollada Sool iyo Sanaag

Garoowe (RBC Radio) Puntland ayaa beenisay war u sheegay  wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliland oo marka sheegay in dowlad-gobolleedka ay kula heshiiyeen sanduuqyada cod bixinta doorashada ka dhacaysa Soomaaliland in la geeyo gobollada Sanaag iyo Sool.

Wasiirka warfaafinta Puntland,Cabdi Xirsi Qarjab oo hadalka ka jawaabay wuxuu sheegay marna inaysan ogaleyn Soomaaliland inay sanduuqyada lugu codeynayo geyso Sool iyo Sanaag.

“Halkan waxaan usoo fariistay inaan beeniyo war kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland ee sheegay in ay Puntland kula heshiiyeen inay sanduuqyo keenaan Gobolka Sool iyo Sanaag, arrintaasi wax kajira majiraan.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo inta  ku darray isagoo la hadlay taleefishinka afka dowladda ku hadla ee Puntland-tv  “Mana ogolin Gobolka Sool iyo Gobolka Sanaag in ay Sanduuqyo keento Somaliland.”

Waxaa kalo u sheegay Puntland inaysan carqalad dooneyn,wixii dhib ah ee deegaannada ka dhacannaa ay mas’uuliyadeeda qaadeyso Soomaaliland, sida u sheegay.

Gabagabadii, wuxuu sheegay cid walba oo ku soo xad-gudubta deegaannadooda inay iska difaaci doonan.

___

RBC Radio

 



One Response to Puntland oo beenisay Soomaaliland inay kula heshiiyeen sanduuqyada cod bixinta in la keenno gobollada Sool iyo Sanaag

  1. leelkasebot

    August 11, 2017 at 11:54 am

    Puntland Waa iska hadlayaal 10sano hadal
    Mooyee ficil majiro horaa loo yiri doofaar
    Baa ficil laan loo cadaabaa.markaan arki
    Puntland oo sool iyo sanaag kahadlaysa
    Waan layaabaa beentooda xageey xukumaan
    War nimanka majeerteen EE siyaasada gala
    Maxay fulayaal unoqdaan.waayaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *