tawakal expressgolis logo



SOO- IYAGII MAHAN?! W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

SOO- IYAGII MAHAN?!

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Email-guuleed72@hotmail.com

August 12, 2017

 

Cabdinuur Faarax

Sideed  iyo tobankii  Luuliyo, 2017, Golaha wakiillada Puntland  waxay kasoonidii kala noqden Golihi Wasiirrada, kadib markii 53, kamida  Mudaneyaasha  Barlamaanka  Dawlad  Gobolleedka Puntland ay soo xaadireen.

kulankii xasannada looga qaaday wasiirradii hore oo  seddex (sanno), xilalka soo hayeen, 47, kamida Gollaha wakiillada Puntland ayaa ogallatay in xilalka laga qaado Golaha wasiirada 9, ayaa diiday 1, ayaa ka, amusay tasoo caddeysay in si  guud  barlamaanku kalsoonidii uga qaaday xukumaddi hore ee PUntland.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland  Axmad Cali Xaashi) oo shir Guddoomineyey kulanka “Oo”muhiim  u -ahaa geedi socodka shaqo ee Gollaha Barlamanka Puntland    wuxuu  Warbaahiyeysha  ka sheegay  maalintaas, sababta kaliftay in kalsoonidii lagala noqdan   Golihii wasiirrada.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland   oo sababeyey kalsooni kala noqoshadii  xukumaddii hore,

Qodobbada loo cuskaday , Golaha wasiirada ee hada jira waxay ku fashilmen, inay dajiyan hannan  lagu hormariyo dhaqaalaha Dadka  (Reer) Puntland, waxaa hoos u dhacay dhaqdhaqaqa (GANACSIGA), waxaa  yaraday isu socdkii Bulshada  Soomaaliyeed ee wada ganacsan jiray,

Golhu wuxuu ku guuldaraystay inuu bixiyo  (Xuquuqda) Ciidamada iyo  Shaqaalaha rayadka ee Puntland, sidookale  waxaa la hir galin wayey ku dhaqanka {miisaniyada} Dalka,  waad  mahadsantihiin sidas waxaa ku dhammadey  Mooshinkii  qodobka 67,baad), ee tibaxayey, kalsooni kala noqoshada Gollaha wasiirrada. Sidas waxa ku cad in wasiirrada hada jira kalsoonidii laga qaaday, ayu  yiri Axmad Cali Xaashi Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, 18/07/2017/:

Sida  Xeerku Puntland  xaddidayo Madaxweynuhu waa inuu 20, cisho kusoo magacaabo Golle Wasiirra,wuxuuna soo magacabay 07/08/2017, 53, wasiirro wasiiru Dawalayal iyo wasiir ku xigeeno, waxana dhaarisay maxkamadda sarre.

Haddaba  soo iyagii mahan? Marka laga reebo qiyaastii labo wasiir inta kale waa wasiirradii Barlamanku  xasanadii kala noqday,  waa  wasiirradii lagu soo edeyey inay gudan  wayeen  shaqadii Bulshadu uga fadhiday, waxan soo xasuustay  maahmaahdii  ahayd  middi saawira iyo madax muuqda midna lagama simro), Madaxweynuhu  ma isku shandheyn ayuu samyey  mise  wuxuu soo dhisay xukumad  cusub?, Jawaabtu waa isku shandheyn maxay tahay sababta looga  marmi waayey xubnihii lagu soo eedeyey  xil gudasho la’aan? .

Maxay tahay  sababta soo  celisay?”

Sida muuqata  Xilka Madaxweyne  Cabdiwli Maxamad  Cali Gaas) waxa  ka harsan hal (Sanno) iyo bar)-  ilaa hadana lama hirgalin hannankii  Qof weliba codkiisa  ku dooran laha masuuliyinta Dawadda, sidas  darted  Madaxweynuhu wuxuu u bahanahay xulufo siyaasaddeed, waana mida  soo celisay  saaxiibbo badan oo kamid ahaa  kuwii  kalsoonida lagala noqday  lakaiin Madaxweynuhu kalsooni  fiican uu ku qabo.

Barlamaanka maxaa la gudboon?

Golaha wakiiladda  waxaa la gudboon inay  mid- mid u, ansixiyan  Golahan wasiirrada cusub  si loo kala reebo  kuwo ku fashilmay  shaqadii loo- egmaday, sidookalana loo tijaabiyo  kuwa shaqo wanaga labidayo ama shaqada ku cusba.

Dareenka Dadwenaha

Dadweynuhu- aad ayuu usoo dhaweyey markii Barlamaanku  xasannadii kala labtay Golihii  wasiirrada ee hore  waxana loo- arkay inay tani tahay isla xisabtan iyo hufnan shaqo.

Waxaase  Dadweynuhu  dareen gali doona markii dhammana Golahan wasiirrada  Barlamanku ansixiyan   waayo  wax is bedel ah kama muuqdan Golaha Xukumadda  cusub ee Madaxweyne Gaas uu soo magacaby.

Keliya waxaa  madaxweynhu sameyey  isku bedel  kooban  sida awgeed  haddii barlamaanku  ansixiyo dhammaantood  wasiirradan cusub  sheekadu waxay noqon doonta  (Ilko Abeeso hoosbay ka xariir sanyihiin),

28/ Aktoobar 2015,ayey ahayd markii  Guddoomiyihii hore  ee Barlamaanka Puntland  Siciid Xasan Shire  mooshin laga keenay kadibna uu- is casilay  deedna   Xildhibaannada Puntland ayaa  si  buuxda ku aqbalay is casilaadii Siciid  Xasan Shire, waxaana  Barlamaanka Puntland loo doortay Guddoomiyaha hada xilka haya   Axmad Cali Xaashi,

Ugu dambayntiina  Dadka siyaasadda Puntland  taxliiliya  waxay  tilmaman  in Guddoomiyaha Barlamaanka  iyo Madaxweynhu ay yihiin xulufo siyaasaddeed, (Gaas-na) ku kalsonyahay ansixinta Golaha wasiirrada cusub.

Gabagabo: Bulshadu waxay u bahan tahay hadal yar iyo hawl badan. Puntland waxa ku filan  7 wasiir iyo 15,  Aggaasimiyaal, 53,  wasiir Puntland  iyo Maamul Gobolleed kasta waxay ku tahay culeys.

 

___

Cabdinuur  Faarax Maxamuud

Falanqeeye Arrimaha  bulshada.

 



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *