tawakal expressgolis logo



Suxufiyiinta Puntland oo Bannaanbax ka hordhigay Aqalka Baarlamaanka ee Puntland(Saw

RBC Radio(Garoowe) Suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah Bannaanbax ka hordhigay Baarlamaanka dowladda Puntland.

Bannaanbaxan ayaa Suxufiyiintu kaga cabanayeen suxufi Cumar Siciid Maxamed oo maalintii afaraad u xiran Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Illaa hadda suxufi Cumar Dheere lama horgeyn wax maxkamad ah,lagumana eedeyn wax danbi ah,waxaana lagu hayaa xabsi gaar ah oo magaciisa loogu yeero iihay,kaasoo lagu hayo dadka aan la dooneyn in maxkamad la geeyo.

Waxa ay sheegeen Suxufiyiintu iney sharci-darro tahay in muwaadin la iska haysto iyadoo Dastuurka Puntland uu dhigayo in aan qofna la xiri karin 48 saac ka badan haddii aysan maxkamadi xukumin.

Xiliga ay suxufiyiintu bannaanbaxa cabashada ah ka hor dhigayeen Baarlamaanka ,waxaa socday ansixinta Gollaha wasiirada ee Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen bishii Luuliyo.

Maamulka Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa suxufiyiin badan qaabkan oo kale xarig ugu geystay kuwaasoo aan la horgeyn maxkamad lana sii-daayey kadib markii ay muddo dheer lagu takri faley Xuquuqdooda.

Suxufi Cumar Dheere ayaa xarigiisa waxaa si weyn u canbaareeyey ururada xuquuqda aadanaha iyo kuwa sida gaarga ah ugu dooda Xuquuqda suxufiyiinta ee heer caalami iyo kuwa dalka Soomaaliya.

RBC Radio

Garoowe



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *