Home » Xikmada Todobaadka
You are browsing entries filed in “Xikmada Todobaadka”
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Marka aad khaldanto ama aad u gefto aadanaha ILLAAHAY inaad tiraahdo “War raali hala iga noqdo” ma aha jileec ama doqonimo ee waa dadnimo iyo raganimo.
Murtidan waxay ku timid markii la arkay dadkeenu inay yeesheen dhaqan ah- raali gelintu inay tahay daciifnimo iyo xaal miskiin ama xaal xaawaley (xaal dumar). Sidaas awgeed raali [...]
August 5 2010 | Posted in RBC, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Waxaa la yiri ruuxii dooli (jiir) dila dad noolna uma daaho oo wuu dilaa.
Murtidani waxay ka soo jeedaa oraahyada caanka noqday ee dhaqanka Banaadiriga. Macne weyn iyo qiime ayeyna ku fadhidaa marka loo eego nuxurka ay xambaarsan tahay iyo waxay ay ka tarjumeyso.
‘Aabayga dooliga dilay hadee dad noolna kama shakiyo dilkiisa’.
Marka hore waxaad halkan ka [...]
July 29 2010 | Posted in RBC, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/Q: Cabdalle Muumin
Email: Cabdalleaxmed@yahoo.com
Soomaalidii hore ee macnaha ballanta iyo qiimaha balanku leeyahay taqiin, aad iyo aad ayey ugu adkaan jireen balanta. Waxayna ku tilmaameen ballan darradu inay la mid tahay diin darro!.
Waxaa ksloo iyana jirta maahmaah kale oo tiraahda ‘Ballan qofkaad ku aamini weydo, maxaa kaloo ku aamini lahayd?. Waa qofka ballan uu qaaday aan [...]
July 15 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Assalamu Caleykum
Waxaa la yiri nolosha adduunyadu waa saddex kaliya. Marka loo eego sida dadka ay ugu dheereynayaan ku dadaalida adduunyada.
1- Nin maal leh, laakiin inay ka dhamaan doonto: Waa ruux heysta hanti addduun, guurto iyo ma guurto intuba, balse og in mar uun ay dhamaan doonto.
2- Mid la murugeysan musiibo: waa ruux la murugeysan dhibaato [...]
July 8 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM!
Waxaan Alle uga mahadcelineynaa sida uu noogu fududeeyey inaan hab qoraal ah wax isugu gudbino, noona sahlay isfahamka ka dhexeeya bulshada.
Intaa ka dib, sida halku dhiga qoraalkan ka muuqata waxaa dadku u qeybsamaan labo qeybood oo kala ah in TALO RAAC ama TALO KEEN.
Micnahha xikmadan ayaa ah mid na baraya in shakhsigu uu [...]
June 24 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Waxaa mahad iska leh Alle weyn ee bilaabay aas aaska dhulka iyo cirka ka dibna ku dhex beeray khalqigiisa, kana yeelay ilma Aadam kuwa karaameysan.
Intaa ka bacdi, waxaa wax badan laga hadlay dhibaatada iskhilaafka iyo tafraruqu u leeyahay dadka, waxaana aan is dhihi karaa Soomaali maanta wax uga aqoon badan khilaaf ma jiro.
Haddii [...]
June 10 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Alle aya iska leh mahad dhamaanteed, oo ah Allaha abuuray cirkan iyo dhulka dhexdoodana ka dib ku beeray ibnu Aaadamka.
Ruuxii intuu waajibkii saarnaa ka soo dhalaalay, si fiicana dusha ugu riday hawlaha horyaalay iyo caqabadihii ku gudbanaa baa markaasi u hawooda inuu mid dad kale fara geliyo; waana taas mida xikmadan ka tarjameyso.
Sidaasi oo kale [...]
May 13 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Sida caadada u ah aadanaha waxaa dad badan ay ka siman yihiin in waqtiga nolosha oo ka kooban maalin iyo habeen isku soo noqnoqda ay ku bixiyaan hawl iyo shaqo. Lagana yaabo in mararka qarkood ay geyeysiiso qofkaasi heer uu gaari kari waayo waxyaabo badan oo muhim u ah noloshiisa ama qof ahaantiisa.
Taasi waxaa xaqiiq [...]
April 22 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Khiyaanada waa dhaqan ku dhisan in si mardadabo ah oo xeeladeysan loogu adeegto ama loo kharibo xuquuq ruux leeyahay iyadoo uusan ogeyn. Ama in wax aan habooneyn loo qariyo ruux aan ka warheyn waxa uu yahay.
Markii uu Illaahay abuuray bani’aadamka waxaa uu baray guud ahaan hab dhaqanka nolosha oo ku sakeysan caddaalad iyo hufnaan iyadoo [...]
April 15 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Sida in badan aan ku maqalnay Quraanka Kariimka ee Qawlka Alle SWT iyo Axaadiista Nabigeena Muxamed SCW waxaa si weyn looga deyriyey xasidnimada iyo ruuxa xasadka ahba taasi oo lagu sheegay in ugu dambeyntii ay ruuxa dhaxalsiiso waxyaabo halis ah heer ay gaarto in marka dambe ay baabi’iso wixii xasanaad ahaa ee uu ruuxaasi sameystay.
Alle [...]
April 8 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Qeybtii 3aad
Maadaama takhasuskeygu ahaa barashada luuqadaha, waxaan markiiba bilaabay barashada Afka Soomaalioga, waxaan qortay bare ii dhiga luuqada.
Macalinka aan heley waxaa uu ii noqday saaxiib Af Soomaaliga ka sokow I bara dhaqanka. Inkasta oo Naxwaha Af Soomaaligu uu intii la doono adkaa, haddana waxaa uu markiiba I baray ereyada aas aasiga ah sida salaanta, magacyada [...]
March 25 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Qeybtii 2aad
Xikmada (RBC Radio) Wax yar ka dib waxaan jawaab ka heley dhowr shaqo oo kale oo codsiyo u qoray. Midda aan ku han weynaa waxay ahayd macalinomo dalka Masar looga baahan yahay. Nasiib darrpo markii aan Washington tegey aniga oo diyaar ah ayaa la ii sheegay in shaqadii qof kale loo qaatay.
Xaalku si kastaba [...]
March 18 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
March 13 2010 | Posted in Xikmada Todobaadka | Read More »
Saddex Maalmood ka dib ayuu Mould magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku bartay gabar Soomaaliyeed. Waxa ay haweeneydaasi ahayd sida uu xusay qof aad dhalinyar oo caqli badan oo furfuran, sida uu xusay.
Mould isagoo xiriirkaas cusub ka sheekeynaya ayuu yiri, “ Aqoonteeda af Ingiriisugu ma badneyn, anigu Af Soomaaligeyguna waxaa uu ahaa eber. Sidaas darteed [...]
March 11 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/Q: Cabdalle Muumin
Xikmada, (RBC Radio) Waxaa mahad iska leh markale Alle noo suurogaliyey inaan markale ku kulano barnaamijkeenan toddobaadlaha ah, ee Xikmada Toddobaadka oo aan maantana ku soo qaadaneyno mowduuca ku saabsan inaad noqotid shakhsi ku kalsoon naftiisa isla markaana Alle talada saarta.
Sida in badan oo naga mid ah ay ka warqabaan waxaa caadi ah [...]
March 4 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Assalaamu Caleykum Wa-Raxmatu-Laahi Wa-Barakaatuhu…
Waxaa mahad dhamaanteed iska leh Alle oo inoo suurageliyey inaan markale idin soo gudbino Xikmada toddobaadkankan. Waxaana ku soo qaadaneynaa
Ka faa’ideysiga Waqtiga…
Waxaan og nahay in waqtigu yahay midka ugu qaalisan guud ahaan nolosha aadanaha, waana kan ugu muhimsan in qof kasta ilaaliyo isla markaana dareemo sida uu uga faa’ideysan karo.
Waqtiga oo laga [...]
February 25 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Waxaa mahad leh Allaha weyn ee noo suurageliyey inaan markale idiin soo gudbbino qoramadii todobaadlaha ahayd ee xikmada.
Sida laga bartay dabeecadaha aadanaha waxaa had iyo jeer aan maqalnaa waxyaabo filasho ah oo qof qabo ama uu sugayo inuu helo, si kastaba. Waxaa laga yaabaa in mararka qaar aysan suuroobin.
Maadaama noloshu tahay wax aan dheereyn oo [...]
February 18 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Xikmada, (RBC Radio) Waxaan Alle uga mahadcelinayaa suuragalnimada kulankan iyo inaan markale isku buraarujino qormadeenii todobaadlaha ahayd ee Xikmada.
Waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa dabeecadaha looga baahan yahay marka uu hadlayo qofka wanaagsan ee leh dhaqanka suuban, taasi ooruntii ka mid ah waxyaabaha lagu garto ruuxa wanaagsan eel eh dabciga haboon ama toosan.
Hadalka waxaa uu ka [...]
February 11 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Waxaa mahad iska leh Allaha markale nagu kulansiiyey qormadeenii Xikmada, waxaana toddobaadkan idiinkugu hayaa ku Sabrida kherka iyo sharka in labaduba ay u yihiin waajid laga doonayo qof kasta.
Sida aad og tihiin aadanaha Illaahay abuuray waxay isku raacsan yihiin in sharku ama dhibaatada u baahan tahay sabir iyo dulqaad sida diintu na fareyso laakiin waxaa [...]
February 4 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Xikmada, (RBC Radio) Mahad waxaa iska leh Alaha suragal ka dhigay inaan markale ku kulano qormadeena todobaadlaha ah, waxaana maanta ku soo qaadaneynaa cinwaanka “Waano iyo Abuuris Kee Horeeyey?”.
Sida aan wada og nahay, waa wax iska cad in abuurista aadanaha ay ka horeysay wax kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa bani aadamka iyo si kasta uu [...]
January 14 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
Xikmada, (RBC Radio) Waxaa Mahad oo dhan iska leh Allaha na siiyey guud ahaan nicmooyinkiisa aan la tirin karin, balse ay ugu weyn tahay Islaanimada.
Waxaan intaa ka dib saaxiibada ku taxan qormadan toddobaadkan ugu soo bandhigeynaa oraah caan ah oo noo bayaamineysa ka faa’ideysiga waayo aragnimada dadka waaweyn, ‘Nin Gu’ Kaa Weyn Garashana Kaa Weyn’.
Kalmadaasi [...]
January 7 2010 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
(XIKMADA) Mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatey, Allaha ka dhigay wax kasta caddaan una sameeyey waxa ay aadanuhu kula gartaan xaqa iyo baadilka.
Waxaan markale walaalalaha ku xiran qormadan ugu soo bandhigeynaa mid ka mid ah qodobada aanu is leenahay waxay mudan yihiin qadarin.
Qodobka maanta waxaa uu ku saabsan yahay XUQUUQDA DERISKA oo ka mid [...]
December 31 2009 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2009/12/xikmada-logo11.jpg
December 17 2009 | Posted in WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/Q: Cabdalle Muumin
Waxaa mahad iska leh markale Alle noo suurogaliyey inaan markale ku kulano barnaamijkeenan toddobaadlaha ah, ee Xikmada Toddobaadka oo aan maantana ku soo qaadaneyno mowduuca ku saabsan inaad noqotid shakhsi ku kalsoon naftiisa isla markaana Alle talada saarta.
Sida in badan oo naga mid ah ay ka warqabaan waxaa caadi ah waxyaabaha sugnaasho la’aanta [...]
December 10 2009 | Posted in Barnaamijyo, Islam, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/D: Cabdalle Muumin
Xikmada, (RBC Radio) Mahad oo dhan waxay u sugnaatey Alle SWT inoo suuro geliyey inaan markale ku kulano qormadeenan toddobaadlaha ah. Waxaana maantana ku soo qaadaneynaa saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu kuu yeelan karo.
Walaalka Muslimka ahow, Alle SWT waxa uu Quraankiisa Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka [...]
November 19 2009 | Posted in Barnaamijyo, Islam, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/Q: CABDALLE MUUMIN
Qormadeena Xikmada Toddobaadka waxaan maanta ku soo qaadaneynaa “Hadalka Wanaagsan”.
Sida Alle noogu sheegay Quraanka Kariimka wax badan kalmada wanaagsan waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee qofka lagu dalacsiiyo derejooyin badan kuwaasi oo xitaaaaney helin dad badan oo dadaal badan sameeya.
Alle SWT waxa uu meelo badan oo ka mid ah Quraanka uu [...]
November 12 2009 | Posted in Barnaamijyo, Islam, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »
W/Q: CABDALLE MUUMIN
DABEECADA WANAAGSAN
Qormadeena Xikmada Todobaadka waxaan maanta ku soo qaadaneynaa mowduuc ku saabsan Dabeecada Wanaagsan.
Sida in badan lagu celceliyey waxaa Alle SWT uu Quraankiisa Kariimka noogu sheegay in waxyaabaha qofka ban’aadamka ah ee muslimka ah laga rabo ka mid ah dabeecad wanaagsan amnaba ugu horeeya guud ahaan dhaqamadiisa.
Saaxiibayaal, qiyaas ma lahan iyo meel [...]
November 5 2009 | Posted in Barnaamijyo, Islam, WARARKA, Xikmada Todobaadka | Read More »