Shariif Xasan, Wasiirka Maaliyada Mise Madaxweynaha Soomaaliya! (Shacabka oo La Yaaban)
Tan iyo intii dowlada Soomaaliya ay ka hawlgashay magaalada Muqdisho ee caasimada, waxaa dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jira kuwa ku dhow dowlada iyo kuwa hawlaha siyaasada dusha kala socda ku sii kordhayey su’aal aan weli laga jawaabin- Waxaase laga yaabaa in in badan ay su’aashaasi weydiinteeda ka daaleen oo ay hada ku halqabsadaan Shariifka Shariifka Wada .
Shariif Xasan, Wasiirka Maaliyada Mise Madaxweynaha Soomaaliya!
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya, waxaana caadi ahaan aan wada ognahay in dowlada KMG ay xilal sare ka hayaan rag aad ugu dhow madaxweynaha weliba xubnihii ka tirsanaan jiray Golihii Isbahaysiga Dib u Xoreynta ee mar mucaaradka ahaan jiray, taasi runtii ma aha mid dadka Soomaaliyeed ku cusub laakiin waxaa taagaan arin kale oo runtii xiiso u yeelatay ka hadalkeeda warbaahinta caalamka dhowaanahan.
Marka nin siyaasi ah uu awood dal qabsado ama loo doorto waa wax dhaca inay ku soo dhowaadaan oo baalasha ka galaan raggii saaxiibada ay ahaan jireen masuuliyada ka hor, dabcan markaasina waxaa kala cad awoodaha hogaamineed ee qof kasta weliba marka ay joogto arin ku saabsan maamul dowladeed oo u baahan go’aan qaadasho iyo tanaasul intuba, hase yeeshee waxaa u baahan inaanu fahano ayaa ah labada Shariif -”keebaa ah madaxweyne, keesa ah wasiirka maaliyada?.
Su’aashan dabcan waxay ka dhalatay wixii laga bartay dhaqamada labada Shariif intii ay ku jireen safarkii dalka Mareykanka, laga soo bilaabo kulanweynihii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee bishii September dhamaadkeedii ka dhacay New York illaa intii wafdiga labada Shariif ay joogeen magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
Kulankii Qaramada Midoobay
Markii u furmay kulankii guud ee Qaramada Midoobay waxaa ka dhashay is faham la’aan dhexmartey wafdigii Soomaalida ee uu hogaaminayey madaxweyne Sheekh Shariif iyo shaqaalaha qaabilsan nidaamka xarunta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kooxaha qaabilsan fadhiga “General Assembly” kuwaasi oo mudo saacado ah la murmayey ergada Soomaalida.
Arintaasi waxay ka dhalatay markii kursigii ku xigay kan madaxweynaha oo sharci ahaan uu leeyahay wasiirka arimaha dibada uu ku fariistay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah wasiirka maaliyada iyo raisul wasaare ku xigeen. Kooxaha nidaamka qaabilsan ayaa u sheegay Shariif Xasan inuu baneeyo kursiga laakiin waa uu ka dhega adeygey dalabkaasi, waxayna arintaasi keentay heer saaxafada caalamka isugu soo ururto qeybtii ay hoolka ka fadhiyeen ergada Soomaalida. Dad badan waxay is weydiiyeen “TOLOW SHARIIF XASAN MA WASIIR DIBADEED BAA MISE WAA WASIIR MAALIYADEED?”.
Waxaa xusid mudan in caadi ahaan kulamada Qaramada Midoobay ay madaxweynaha ku wehlin karaan wasiirka dibada iyo safiirka joogta ee Qaramada Midoobay u fadhiya dowlada oo iyagu leh labada kursi ee kadambeeya madaxweynaha.
Jaaliyada Minnesota iyo Shariif Xasan
Waxaa intaa dheer in markii wafdiga madaxweynuhu u gudbay booqashadii Minnesota sidoo kale ay dheceen dhacdooyin kale oo la yaab leh oo uu ku kacay Shariif Xasan.
Sida la wada ogyahay Soomaalida Minnesota waxay dadaal badan u galeen sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya iyagoo mudo dhowr maalmood ah u diyaar garoobayey soo dhoweynta, waxaase dadaalkaasi dad badan uu caro iyo yaab isugu bedelay markii uu shaashadihii waaweynaa ee laga daawanayey uu madaxweynaha kala soo dhex muuqday Shariif Xasan, oo dadka qaar ay garan waayeen waxa uu yahay iyo xilka uu dowlada ka hayo.
Kulamadii uu madaxweynaha la yeelanay jaaliyada Minnesota lafteeda Shariif Xasan waxa uu dhex fadhiyey qolkii uu madaxweynaha ku qaabilayey jaaliyada oo qaarkood dano ka lahaayeen madaxweynaha.
Shariif Xasan oo loo maleeyey Madaxweyne!
Laakiin arinta ugu yaabka badnayd waxay ahayd tii ka dhacday magaalada Columbus ee gobolka Ohio markii hotelkii ay deganaayeen wafdiga ay boqasho ugu yimaadeen madaxweynaha qeybaha jaaliyada Soomaalida ee magaaladaasi oo iyagu qaab beeleed ugu tegey madaxweynaha.
Dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan odayaasha Soomaalida ayaa markii ay la fariisteen madaxweynaha waxay isku dayeen inay su’aalo xog wareysi ah kala yeeshaan xaalada dalka, laakiin yaabka yaabkiis waxaa su’aalihii ka jawaabayey Shariif Xasan.
Mid ka mid ah odayaashii qolka ku jirtay ayaa intuu yaabay waxa uu kala garan waayey labada “Shariif” markaasuu ku yiri isagoo Shariif Xasan la hadlaya “MUDANE MADAXWEYNE!”, laakiin Shariif Xasan oo qoslaya ayaa u sheegay inuusan isagu ahayn madaxweynaha ee uu yahay ninkan garab fadhiya.
Isla hotelka ay ka deganaayeen wafdiga ayaa habeenimadii Khamiista waxaa madaxweynaha ku soo booqday koox ka tirsan ardeyda jaamadaha ee magaalada Columbus kuwaasi oo madaxweynaha ula tegey su’aalo inay ka weydiiyaan dalka.
Mid ka mid ah ardeydii su’aalaha weydiineysay madaxweynaha ayaa weydiiyey su’aal ahayd “Madaxweyne adiga iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaad ahaydeen saaxiibo dhow mudo ka hor, hadda markii aad khudbada ka jeedineysey Mareykanka waxaad sheegtey in Xasan Daahir uu yahay argagixiso, isaguna waxa uu kugu tilmaamaa rido marka keebaanu rumeysanaa labadiina?” Sheekh Shariif ayaa su’aashaasi ka carooday isla markaana ka aamusay, hase ahaatee Shariif Xasan oo garab fadhiyey madaxweynaha ayaa ku yiri ardeygii “Yaa kuu soo qoray su’aashani, mar dambe ha weydiinin madaxweynaha!” ardeydii ku jirtay qolka qaabilaada waxay markaliya la anfariireen jawaabta uu bixiyey Shariif Xasan oo qaarkood kor u dheheen “OO SHARIIF ADIGU MA MADAXWEYNAHA AYAA TAHAY MISE WASIIRKA MAALIYADA?” laakiin nasiib daro Shariif Xasan oo malaha isaguna u muuqday inuu carooday ayaan ka jawaabin su’aasha dambe ee ardeyda ka soo turanturootay.
Dadka qaar ayaa arimahan u aaneynaya aqoon la’aanta dhinaca siyaasada ee heysata Shariif Xasan oo hadana masuul ka ah hay’ada maaliyada ee dalka.
Shariif Xasan waxa uu ahaa ganacsade ku noolaa dalka Kenya waxaana markii ugu horeysey ee lagu arko masraxa siyaasada ay ahayd sanadkii 2004 markaasi oo isagoo ku socday magaca bulshada rayidka uu noqday gudoomiyihii barlamanka ee dowladii C/laahi Yuusuf.
Waxaase jirta aragti kale oo dadka qaar qabaan taasi oo ah in madaxweyne Shariif oo kursiga siyaasada dhowaan heley uu doonayo in saaxiibkiis kala tashado wax kasta oo dowlada ku saabsan iyagoo ku dhaqmaya nidaamkii xernimada, laakiin dowladnimadu “xernimo” ma aha!.
Si kastaba saaxiibtinimada labada Shariif ayaa hadda u muuqata inay noqotey waxyeelo soo wajahday rajadii laga qabay dowlada KMG oo dad badan ay ka filayeen furfurnaan intaan ka badan.
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio Monitoring
e-mail: faaraxcali@gmail.com









MACLIN DUGSI QURAAN IYO JAAD WALE WAXA ISKU KEENI KARA WAA LABO WAX YAALOOD MID WAA AANU DHACNO WAXII NA SOO MARA MID KALENA SHARIIF SAKIIN WUU SIXRAY MACALIN DUGSIKA WAX KALOO ISU KEENI KARA MA JIRAAN.HA LA YAABIN KUWAAN HADDA NA HOR BOODAYO KUWA KA LIITA AYAA KU SOO XIGI DOONA.
Lamayaabsani SHEEKH SHARIIF inuu aamino in sh.xasan uu unoqdo lataliye.Markii ugu horaysay ee uu siyaasada eegay wuxuu arkay ninkan oo ah gudoomiyaha baarlamaanka.Marka suaashu waa, yaa leh dambiga,ma dadkii u doortay xilka kor ku qoran mise SHIIKHA?.Gari allaytaqaane shiikhu eed maleh.
Asalaamu Calaykum, Salaan kadib , runtii Maqaalkan waa mid aad u qurux badan oo la isku soo ururshey, runtiina markaan akhrinayay waxaana moodayay intaan akhriska ku jiray inaan maskaxdayda ka daalacanayo , marki aan dhameeyayna waxaan arkey inaan Raxanreeb.com ka akhrinayo, Maqaalkan Qofkii uu kasoo maaxday ee isku soo ururshey runtii wax badan ayuu ogyahay, Su’aalo badan oo aan anigu iswaydiinayay ayaan jawaabo u helay, waana ku mahadsan yahay Wariyha Maqaalkan qorey, Raxanreeb.com horey looma aqoon laakiin waxaa Website soo baxay runtii Wariyeyaal fiican ayaa u jooga Puntland iyo Koonfur (Muqdish), waana website dhexdhexaad ah, waxaan lkn oranayaa Raxanreeb hawsha halkaas ka wada ha caajisinia, Comments-ka Free ga ahna waad ku mahadsan tihiin. Well Done!
waa arin loo baahnaa mar hore inaad shacabka usoo bandhigtaan shariif xasan waa saaxir familkoodoo dhana waa saaxiriin
TO:Qoraha.
Waad mahadsanatahay maqaalkan sida fiican aad iskugu soo arurisay, iyo wargalintada.
Aniga waxaan u arkaa aqoon yari ka haysta dhinaca siyaasada,maamulka, wadaniyadda, tariikh midda dalka iyo calaamka, iyo karti la aan hogaanned labada shariifba haysta … sababahaas ayaa keenay khaladaadka iyo qiyaamoda qaran ( qeebta bada somaliya).
Maqaalku waa Cajiib iyo hadalo lasoo Cajiinay, Comments-ka dhamaantood waxeey u muuqdaan hal nin oo magaca soo badashay, laakin layaab maleh in soomalidu aay ku taqasustay sida wax loo mucaarado, shariif xasan waxa loo dacaayadeeynaayo waxa waaye, dhamaan tuugadii ka faa’iidi jirtay dhaqaalaha doowlad walba uu dalka yeesho ayuu cunaqabateeyn kusoo rogay, shariif xasanoow mar walba garab taagnoow walaalkaa shariif, eedda iyo dacaayadaha raqiista ahna waxba dheg shalaq ha u siin, tan kale oo aan kuugu taageersanahay waxeey tahay, tan iyo markii doowladda shariif aad madax ka noqotay, waxaa la waayey is qab qabsigii kuwii adiga kaa horeeyey aay ku caan baxeen ee ahaa dhaqale la dhunsaday, hadii aay jirto cid daliil u heeysa waxa laguugu xanto, waxaa la arki lahaa adigoo kalarka lagu heeysto, ogoowna nin walba oo wanaagsan maanta in uu yahay kan ugu eeda badan, ilaaheey camalka aad wado hakuugu kaalmeeyo, inagana ilaah ha inaga dhigo shacab madaxdooda adeeca, oo aan ceebtooda fagaaraha keenin(waase haddii aay jirtee)
Aad ayaad U mahadsantahay sida aad isugu soo duba riday maqaalka LKN suaasha waydiinta leh waxay tahay xog intee le’eg ayaad ku xaqiijin ka dhaa in dhacdadan ay jidho mida kale cidii ka xumaanaysa shariifyo waa tuug waxaan leenahay ilaahay hanaga qabto Cadawoow Jab! Kanaxaw Jab! Ku farxoow nooloooooooow! Ayuu oran jidhay Jaale siyaad barre allaha ha u naxariistee
WAX BADAN OO KHALAD AH MA SAMEYN NINKAAN MAXAA YEELAY DOWLADA OO DHAN XUBNAHEEDA AYAA AH KUWA ISKA DABAASHA QALADAADKA WAXAANA TAAS UGU WACAN XILKA AY HAYAAN LOOGUMA DHIIBIN AQOON IYO KARTI EE WAXAA LOOGU DHIIBAY QABIIL.
MAGICII DOWLAD MEEL BAA LOOGA DHACAY MAGICII BAARLAMAAN ISNA MEEL BAA LOOGA DHACAY TALOW GOORMA AYAA XAAL IYO XUMEYN LA SIIN DOONAA.
WAA MARKA AAD ANIGA OO DULMIDIID AH AAD II DOORATAAN INAAN IDIN NIDAAMIYO SOOMAALIYEY.
TO: MUWAADIN
asc runti aad ayan uga xumahay inad aflagaado ama xuman ad ku shegtid famil. waa cadi qaab siyaasadeed qof in lo weeraro lkn arinta famil inad ka dhigtid ilama wanagsana lkn waxa ad ku shegeysid qofkan adiga ayay ka muqato inad ka so jedid famil ama farac an EDEB laheyn o iska dhexlay anshax xumo wana ka xumahay noocadi o kale inan u jawaabo isku day edeb inad yeelato dadka wanaagsana afka kala bax ayan ku dhihi lahaa.
Qormadu wax jira ayey ka hadashay qoraaguna ra’igiisu cabiray lakin 2 da sharif waxay ku jiran badweyn, qof badweyn kujirana waa xarash iyo madax ama waa badbaado ama dhimash marka arinta 2 sharif waxay noqoneysa dhicis ama dhameys
Qormadu wax jira ayey ka hadashay qoraaguna ra’igiisa ayu cabiray lakin 2 da sharif waxay ku jiran badweyn, qof badweyn kujirana waa xarash iyo madax ama waa badbaado ama dhimash marka arinta 2 sharif waxay noqoneysa dhicis ama dhameys