Wardheer “Dadkii ka danbeeyay qaraxyadii deegaanka Gibood waxaa laga soo qabtey Maamul Gobaleedka Puntland”,Gudoomiyaha Gobalka Wardheer
Wardheer (RBC):- Gudoomiyaha Gobalka Wardheer ee ismaamulka Soomaalida ee wadanka Itoobiya Guuleed C/laahi Nuur ayaa sheegay in xabsi ku yaala Gobalka Wardheer ay ku xiran yihiin dadkii ka danbeeyay qaraxyo ka dhacay deegaanka Gibood ee Kilirka Shanaad ee Itoobiya, waxaana Gudoomiyuhu sheegay in dadkaas laga soo qabqabtey Maamul Gobaleedka Puntland.
“Run ahaantii waxaa guul soo hoyatay ah in gacanteena ay ku jiraan, nabad diidkii ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay deegaanka Gibood oo laga soo qabtey Maamul Gobaleedka Puntland, dadkaas nabad diidka ah waxay hadda ku xiran yihiin Gobalkan Wardheer” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Gudoomiyaha Gobalka Wardheer Guuleed C/laahi Nuur ayaa hadalkan ku sheegay Waraysi uu siiyay qaybta afsoomaaliga ee telefishinka qaranka Itoobiya [ETV], waraysigan oo muuqaal ah ayaana laga daawaday Telefishinka qaranka Itoobiya habeenkii xalay 18 bishan October xili saacadu ku beegnayd 10:30 pm Afrikada bari.
Mr.Guuleed C/laahi Nuur waxaa uu intaas ku daray in dawlada Itoobiya ay meel walba u galayso sida ay gacanta ugu soo dhigi lahayd danbiilayaasha qaraxyada ka gaysta Itoobiya meelkasta oo ay ka galaan Soomalaiya, isagoo sheegay in hawlgalo ay wadeen Ciidamada Gobalka Wardheer ay kusoo qabqabteen saddex jirigaan oo rasaasta AK-47 ay ka buuxdo, wuxuuna cadadka rasaastaas ku sheegay 7063 xabo.
Guuleed waxaa kale oo uu sheegay inay gacanta ku dhigeen jawaano ay ka buuxaan miinooyinka budada ah ee qaraxyada loo adeegsado,kuwaas oo uu sheegay in lala damacsanaa in lagu qarxiyo dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Sidoo kale ayaa Gudoomiyaha Gobalka Wardheer Guuleed C/laahi waxaa uu eedeyn dusha uga tuurey dawlada Eratariya, oo uu sheegay in rasaasta iyo miinooyinka ay ku taageerto Jamhada ONLF ee ka dagaalanta dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana uu tilmaamay in hadda ay ciribtir ku dhawyihiin ciidamadii Jamhada ONLF ee Gobalka Wardheer ka dagaalamayay.
Hadalkan kasoo baxay Gudoomiyaha Gobalka Wardheer ee ku saabsan dadka laga soo qabtey Puntland ee ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay deegaanka Gibood, ayaa ku soo aadaya maalmo kadib markii ciidamada Itoobiya ay weerar ku qaadeen xaafad ku taala Magaalada Gaalkacyo oo ay dhaawac iyo qafaalba u gaysteen dad shacab ah oo ku noolaa Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo qaarkood lagu dawaynayo Gaalkacyo halka kuwo kalena ay la tageen Itoobiyaanku, gudoomyaha Gobalka Wardheer ma uusan sheegin goorta lasoo qabtey dadkan u xiran iyo inta qof ee ay yihiin.
Abdulkadir Warsame Yuusuf|
RBC Radio,Garoowe









