Burcad Badeeda oo Dil ugu Hanjabtey Shaqaalaha Markabka China
Burcad badeeda Soomaalida ee heysata markab laga leeyahay dalka China iyo 25 shaqaale ah oo saaran ayaa ku hanjabay inay dili doonaan shaqaalaha.
Hanjabaada ka soo yeertay kooxda burcad badeeda ah ayaa ka dambeysey ka dib markii ay ciidamada caalamiga ee ka hawlgalaya xeebaha Soomaaliya ay sheegeen inay hawlgal ku soo furanayaan markabka iyo shaqaalaha la socda.
Shirkada Qingdao Ocean Shipping Co Ltd, oo ah shirkada iska leh markabka ayaa shaaca ka qaaday in hanjabadaasi ay heleen.
Ma jirto wax faahfaahin kale ah oo laga heley shirkadan ama xitaa heysta markabka ee burcad badeeda ah.
Markabka China oo lagu magacaabo DE XIN HUA waxaa laga qafaashay shaley meel qiyaastii 550 mile u jirta jaziirada Seychelles isla markaana 700 mile dhinaca Bari ka xigta xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ciidamada Europe eek u jira hawlgalka ka hortaga burcad badeeda.
Markabka waxaa saaran 25 shaqaale ah, waxaana markii la afduubayey uu ka yimid dalka Koonfur Afrika isagoo ku jeeday dalka India.
Burcad badeeda Soomaalida waxay inta badan maraakiibta ka soo qafaalan jireen xeebaha ku dhow Soomaaliya hase ahaatee hadda waxaa muuqata inay ka fogaadeen xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira maraakiibta oo iyaguna fogaaday.
In ku dhow 10 markab iyo shaqaale ajnabi ah oo ka badan 100 ruux ayey hadda gacanta ku hayaan burcad badeeda Soomaalida.
RBC Radio Monitoring
Boosaaso








