China: Waxaa naga Go’an Soo Furashada Markabkeena iyo Shaqaalaha Saaran

Dowlada China ayaa wacad ku martey inay wax kasta oo suuragal ah u sameyn doonto si ay su soo furato markab ay leedahay iyo 25 shaqaale ah oo saaran oo shaley aroornimadii u gacangalay burcad badeeda Soomaalida.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee China Ma Zhaoxu  ayaa sheegay  in ciidamada wadanka China ee ku sgan xeebaha Soomaaliyaay bilaabeen hawlgal lagu furanayo markabka DE XIN HUA oo ay saaran yihiin 25 ruux oo shaqaale ah, mana jirto wax faahfaahin kale oo uu bixiyey.

Wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegtey in dowlada China ay uga digtay maraakiibta kale inay ka joogaan gacanka cadmeed si ay san ugu dhicin khatar kale.

China waxaa xeebaha Soomaaliya ka jooga saddex markab oo kuwa dagaalka ah kuwaasi oo qeyb ka ah hawlgalka ka hirtaga burcad badeeda.

Burcad badeeda heysata markabka China ayaa iyaguna ku hanjabay inay ka takhalusi doonaan dhamaan shaqaalaha haddii weerar lagu soo qaado.

Hae ahaatee sarkaal ku dhow militariga ayaa sheegay inaysan khatar gelin doonin nolosha la heystayaasha China u dhashey ee saaran markabka.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu wadaa in markabka China ay geeyaan xeebaha Waqooyi ee Soomaaliya halkaasi oo fadhi u ah iyaga.

 

RBC Radio Monitoring
Nairobi

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.