Kulan Looga Hadlayo Amaanka Iyo Bad-baadada Shacabka Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirada)
Gaalkacyo(RBC):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta ka furmay kulan looga arinsanayo Amaanka iyo Bad-baadinta Shacabka, waxaana ka soo qeyb galay dad ka socda bulshada qeybaheeda ugu muhiimsan, kuwaasi oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa iyo 100 ruux.
Kulanka oo ay ujeedadiisu tahay in laga arinsado amaanka Gobolka, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay NGO-ga Kaalo ee fadhigiisu yahay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, waxaana isku soo dubaridey Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee (UNDP).
Furitaanka Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Mudug, sida Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col. Axmed Cali Salaad, Taliyaha Booliska Puntland ee Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan, iyo waliba Duqa Degmada Gaalkacyo, waxaana kulanka furay Gudomiyaha Gobolka.
Maamulka Gobolka Mudug qeybihiisa kala duwan ayaa kulanka uga hadley isbadelada dhinaca amaanka ee magaalada Gaalkacyo, waxaana maamulku isku raacay in amaanku yahay mid wanaagsan, marka laga reebo maalmihii la soo dhaafay oo ay gudaha magaalada ka dhaceen falaal aan sidaa u weyneyn, haatana laamaha amaanku ay ku raad joogaan cidii sameysay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col. Axmed Cali Salaad & Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan
Waxaa kale oo uu maamulka Gobolka iyo kan Degmadu isku raaceen in ay jiraan maalmihii la soo dhaafay in magaalada Gaalkacyo ay ku soo badanayeen imaatinka wafdiyada Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka, taasina ay ka tarjumayso in uu wanaagsan yahay xaalka dhinaca amaan ee magaalada.
Siciid Aadan Cabdi oo isagu ka mid ah Maamulka NGO-ga Kaalo ee barnaamijkani fulinayay ayaa uga mahad celiyay ka soo qeyb galayaasha kulanka, isagoo intaa ku daray in kulankani uu socon doono hal maalin oo kaliya, hase ahaatee ay dhisayan Guddi ka kooban ilaa iyo 20 xubnoo oo isugu jira Golaha Deegaanka, Cuqaasha, Dhalinyarada, Ganacsatada, Hooyooyinka, iyo waliba laamaha amaanka, kuwaasi oo dhamaantood ka howl gali doona gudaha magaalada Gaalkacyo, marka la magaacabana la siin doono siminaar 3 cisho socon doona, ka hor howlgalkooda.
Waa markii ugu horeysay oo ay tira intaa le eg oo ka socota qeybaha kala duwan ee bulshad ku nool magaalada Gaalkacyo ay kulan looga arinsanayo amaanka magaalada ay isug yimaadaan, waxaana kulanka natiijada ka soo baxda la filayaa in wax uun ay ka badasho xaalada amaan ee magaalada, maadaama kulanka la isugu soo qaaday arimo ay ka mid yihiin, xalinta khilaaf bulsheedka, ka hortaga dhibaatooyinka bulshada iyo nabad kuwada noolaansho.
Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo.












Assc.
Mudo badan baan maqlaynay waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sugi lahaa ammaanka magaalada Gaalkacyo.Waa isku day fiican,laakiin ma laga dhabaynayaa ammaan sugidda la sheegayo?Gaalkacyo waxay caan ku noqotay dadbaa suuqa harkii lagu laayey lamana yaqaan kuwii wax dilay.Halkaas bay aadeen nimankii dadka dilay.Waa wax aad iyo aad looga xishoodo dadkii dadka laayeey xaggaas bay u dhaqaaqeen.Markastana waxaa la yiraahdaa waa la baarayaa ku way ahgaayeen kuwii dadka dilay.Lamana maqlo waa la soo qabtay dambiilayaashii ama dambiilihii.
Bashir Jama.
wsc
waa arin fiican
Hade in aamaanka la sugaa ma xumee ma rumaa taasi meshaan culima lagu gawracaa had iyo goor aman kama soo socdee dadka ayan been loo sheekin dagma yaroo afar ruux oo istaqan jogto ayaa waxaa lagu leyahay koxo hubaysan hayaa dilay lamana garanayo warbahintu ma waxay ka xishotay dadka deeganka ayaa dilay waxna lama oran karo macnuhu waa saas yaa beenta loo sheega waayo ruuxa aan la garan karin ee galkacyo dhibka ka gaysan kara