Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu Wado inuu Goor Dhow Gaaro Sanca

RBC RADIO
NEWS DESK

SANCA, (RBC Radio) Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Sanca ee dalka Yemen halkaasi oo u ku tagayo madaxweynaha booqasho rasmi ah.

Booqashada madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa waxay qeyb ka tahay booqasho uu ku marayo wadamada carabta si uu uga helo taageero dowlada KMG oo hadda ku jirta dagaal ka dhan ah mucaaradka.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu soo maray wadamada Djibouti iyo Kuwait oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda wadamadaasi.

Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha uu la kulmo masuuliyiin ka tirsan dowlada Yemen oo uu ka mid yahay madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax, sida ay sheegeen xubno ka tirsan wafdiga madaxweynaha.

Waxyaabaha uu madaxweynaha Soomaaliya la soo qaadi doono dhigiisa Yemen waxaa ugu horeeya arimaha nabadeynta Soomaaliya iyo sida loo hirgelin karo hab nabadeed oo lagu wad hadalsiiyo dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Waxaa sidoo kale madaxweyne Shariif uu u bandhigi doonaa madaxda Yemen arimo ku saabsan in taageero la siiyo dowladiisa iyo sidoo kale dadka Soomaalida ee qoxootiga ku ah dalka Yemen oo sii badanaya.

 

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

1 Response for “Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu Wado inuu Goor Dhow Gaaro Sanca”

  1. hershi says:

    Kharajka Soomaalida la siiyo diyaarad lee ku sii raac ee baryo kale tag ee shaqadii lagaa doonaayay ha qaban wale wuxuu u egyahay qorshe laguu dejiyay
    Iska raaxayso, maalin unbaa lagula xisaabtamidoonaa.
    War dadka Soomaaliyeed yaa laga sugaayaa inuu gogol u dhigo oo u nasteexeeyo yaa qaboojinaaya kuwan dhiiga soomaaliyeed u indha cad
    Waan kuu jeednaa ninkii wax kaa sugaa waqti ka dhumay

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.