Andrew Mwangura: Burcad Badeeda Way Dhimi Doonaan Madax Furashada

Abdalle Muumin

RBC Radio Staff

 NAIROBI, (RBC Radio) Iyadoo dowlada Ingiriiska iyo ehelada lamaanaha Ingiriiska ah ee ay haystaan burcad badeeda Soomaalida ay ka welwelsan yihiin lacagta tirade badan ee ay dalbadeen burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa haatan soo baxay hadal ka soo yeeray Adrew Mwangura oo madax ka ah hay’ada badmareenada Bariga Afrika.

Mwangura oo u waramay wargeyska the Mail ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu wado dadaalo ku saabsan sidii burcad badeeda looga dhaadhicin lahaa inay dhimaan dalabkooda lacageed ee $7 million ah ee ay shaley soo bandhigeen.

Mwangura waxa uu sheegay in burcad badeeda ay u heysato in qoyskan ay yihiin qani sidaa darted ay u dalbadeen lacagtaasi.

“Waxaan wada xaajoodyo la wadnaa odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed si burcad badeeda looga dhaadhiciyo inay dhimaan lacagta ay dalbadeen oo ay gaarsiiyaan £100,000 (lacagta Britain)”, ayuu yiri mwangura.

Waxaa uu intaa ku daray Andrew Mwangura “Burcad badeedu hadda ayey xaqiiqsadeen in qoyska reer Chandler aysan ahayn qani, sidaa awgeed waxaa laga dhaadhicin karaa inay dalabkooda aad hoos ugu dhigaan”.

Hadalkan ka soo yeeray Andrew Mwangura oo ahnin Kenyan ah isla markaanasheegta inuu madax ka yahay hay’ada badmaarenada Bariga Afrika ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli si aad ah loola yaabay lacagta $7 million ah ee ay burcad badeeda dalbadeen si ay u siidaayaan haweeneyda iyo odaygeeda reer Britain ee ay qafaasheen.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay shaley inaysan lacagtaasi siin doonin burcad badeeda, halka qoyska ay ka soo jeedaan Paul Chandler iyo Rachel Chandler ay sheegeen inaysan lacagtaasi heysan.

Wararka ku saabsan qoyska u afduuban burcad badeeda ayaa sheegaya inay socdaan weli wada xaajoodyo gorgortan ah oo laa wado burcad badeeda si looga dhaadhiciyo inay aqbalaan lacag ka yar intii ay hore u sheegteen.

Andrew Mwangra waxaa hore loogu eedeeyey inuu xiriir la leeyahay burcad badeeda Soomaalida isagoo lacagaha u kala gudbiya burcad badeeda iyo shirkadaha ama dowladaha dadka laga qafaasho, halkaasi oo lacag badan uu ka helo Mr. Mwangura.

 

 Source: agencies

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.