Trump wax dembi ah ma uusan qiran – Maxkamadeyntiisa.

Trump wax dembi ah ma uusan qiran – Maxkamadeyntiisa.

Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa iska ber yeelay eedo loo haysto ka dib markii uu ka soo muuqday Maxkamad Federaal ah ah dalka Mareykanka.

Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla  Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa iska diiday oo meesha ka saaray inuu leeyahay wax dembiya waxa loo haystana ay yihiin kuwa la soo dhoodhoobay.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden.

Kiiskiisa  ayaa waxaa loo xilsaaray Garsoore federaali ah oo lagu magacaabo Tanya Chutkan taasi oo uu magacaabay madaxweynihii Trump ka horreeyey ee Barack Obama.

Leave a Reply

Your email address will not be published.