Sheekh Xasan Yacquub ” Waan Ognahay Dadka Mobile-da ugu Hanjabo shacabka dhawaana waan soo qaba doonaa”.
Maamulka Islaamiga Gobalada Jubbooyinka u qaabilsan xarakada Al Shabaab ayaa digniin u jeediyay shaqsiyaadka Taleefanada dadka kasoo waca kadibna u hanjabay.
Sheekh Xasan Yacquub Afhayeenka Maamulka Islaamiga Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen Dadka ku howlanaa hanjabaad ay u qal qal gelinayeen qaar katirsan shacabka magaalada Kismaayo si ay u Barakacaan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ay soo badanayeen Hanjbaadaha loo jeedinayo Dadka muctarifka ah ee Kismaayo degan iyadanoona la sheegay in kooxaha hanjabaadda jeedinaya ay iska dhigayeen Al Shababa.
Kadib markii ay arrintaasi gilgiashay magaalada Kismaayo ayuu maamulka Kismaayo hadal ka soo saaray Sheekh Xasan Yacquub oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay soo qab qabtee dad farabadan oo arrinkaas ku kici jiray ” waxaan u digaynaa kuwa caadaystay cabsi gelinta shacabka magaalada Kismaayo, gacanta ayaan ku haynaa kuwa inta ay Dad Muslimiin ah soo waco ku tilmaamo gaalo waad arki doontaan meel fagaara ah ayaan kuwaas ku tooga doonaa” ayuu yiri Yacquub.
Tan iyo markii ay Kismaayo ka dhaceen dagaalada waxaa soo badanayay Hanjabaada dhanka taleefanka ah ee loo jeedinayo dadka caanka ah.
Colaad Cadde RBC Muqdisho









