Addis Ababa: Kulankii Dhaqaalaha ee Sacuudiga iyo Bariga Afrika oo La Soo Gaba-Gabeeyey
A. Ahmed
RBC Radio Monitoring
Addis Ababa, (RBC Radio) Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey shirkii ay magaalada Addis Ababa ay ku lahaayeen madaxda Sacuudiga iyo kuwa Bariga Afrika kaasi oo looga arinsanayey dhaqaalaha labada dhinac.
Gabagabadii kulanka ayaa khudbadihii ay ka jeediyey xarunta uu shirka ka socday oo ahayd xarunta Qaramada Midoobay ee Addis Ababa ayaa masuuliyiinta labada dhinac waxay ka hadleen muhimada ay leedahay xiriir iskaashi ku dhisan oo xagga ganacsiga ah oo dhexmara Sacuudiga oo ah dal qani ah iyo wadamada Bariga Afrika ee faqrigu dilooday.
Wasiirka Beeraha iyo warshadaha ee Sacuudiga Cabdallah Axmed Saynal oo kulanka u fadhiyey dhinaca Sacuudiga ayaa sheegay in dalkiisu uu kor u qaadi doono ganacsiga Bariga Afrika isagoo sidoo kalena sheegay in Sacuudigu uu maalgeshi ku sameyn doono beeraha Bariga Afrika si kor loogu qaado wax soo saarka beeraha.
Wasiirka Sacuudigu waxa uu sheegay in ay gobolka ku wajihi doonaan maskax furan, isagoo yiri “Waxaa Islaamku la yimid Bariga Afrika horumar iyo diinta Islaamka qarnigii 7aad ee Milaadiga, waxaana fileynaa in taasi ay noo noqoto waayo aragnimo aan ku dayano”.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isaguna kulanka ka qeybgalay ayaa halkaasi ka jeediyey codsi gaar ah oo uu kaga codsanayo shirkadaha Sacuudiga inay maalgheshiga ugu badan ku sameeyeen Soomaaliya.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu kheyraad badan dhamaan wadamada Bariga Afrika, sidaa darteed aan la ilaawin fursadaasi. Waxaana uu madaxda Sacuudigu xusuusiyey in aan loo eegin Soomaaliya kaliya dhibaatada amaan ee ayjiraan habab farsamooyin kale oo laga faa’ideysan karo.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu si gaar ah uga mahadceliyey furitaankii Sacuudiga ee Xoolaha Soomaalida oo dhowaan la shaaciyey.
Illaa 50 shirmadood oo dhinaca maalgashiga ah oo Sacuudiyaan ah ayaa kulanka goob joog ka ahaa kuwaasi oo soo dhoweeyey in maalgeshi lagu sameeyo Soomaaliya oo ah wadan Muslim ah.
Raisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo furitaankii shirka iyo gabagabdiiba hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay Boqorka Sacuudiga Cabdallah Binu Cabdul caziiz dadaalka uu ugu jiro inuu gacan ka geysto horumarka gobolka Bariga Afrika, waxaana Sacudigu uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey dhul beereedka Ethiopia.
Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo isaguna dadaalka Sacuudiga ee gobolka amaanay kuna baaqay in laga faa’ideysto.
Wadamada Rwanda, Sudan, Burundi iyo Kenya ayaa sidoo kale kulanka ka qeybgaley, iyadoo sidoo kalena ay kulanka ka qeybgaleen madaxda shirkadaha ganacsiga ugu waaweyn ee Sacuudiga kuwaasi oo daneynaya inay maalgashi ku sameeyaan wadamada gobolka.
Waxaa uu kulankan ku soo beegmayaa xilli caalamka uu la liito haqaale burburkii Mareykanku sababta u ahaa kaasi oo saameeyey caalamka oo dhan.
RBC Radio









