War Deg deg ah: Dagaallo Culus oo ka Bilaawday degmada Xagar Gobalka Jubbada Hoose.

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dagaallo culus oo saaka ka bilaawday duleedka degmada Xagar Gobalka Jubbada Hoose kuwaasi oo u dhexeeya Al Shabaab iyo Xisbul Islaam katirsan.

Wararka nagasoo gaaraya degmada Xagar ayaa xaqiijinaya in dagaallo gacmaha layskula tegay ay ka socdaan meel 10 KM u jirto degmada Xagar waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay Rasaas Culus is dhaafsanayaan.

Al Shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaalka Afhayeenka Maamulka Gobalada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay Guulo gaareen islamarkaana ay dileen saraakiil ONLF ah sida uu hadalka u dhigay.

Weriye Qore Ismaaciil oo Dhoobleey ku sugan ayaa sheegay in dagaaladu ay Xagar ka bilaawdeen balse markii dambe ay dhanka Afmadoow usoo siqeen Xaaladda ayaa ah mid kacsan waxaana socda Abaabulo ciidan oo ay wadaan Shabaab iyo Garab katirsan Xisbul Islaam

 Wiixii kusoo kordha kala soco RBC

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

4 Responses for “War Deg deg ah: Dagaallo Culus oo ka Bilaawday degmada Xagar Gobalka Jubbada Hoose.”

  1. wad-keenadiid says:

    ONLF maxay Xagar kasoo dooneen????

    war anagaa balaayo aragnay.

  2. Alcatraz says:

    Ogaadeen iyo ONLF xagee u kala wadaa? waa mid qura.Meesha Ogaadeen joogo, ONLF-na waa joogtaa.

  3. AXMED says:

    JUBBOYINKA wax al shabaab la dhaho ma jiro, ee waxaa jiro maleeshiyo uu barre huuraale ka tegey oo gashatey shaarka Al-shabaab oo dooneysa in ay sidaas kula wareegto jubbada hoose waan la soconaa… xagarna waa dhul ogadeen,ama absame sida bartire, labadiina waxaad u hadleysaan sidii in aa ka tirsantihiin maleeshiyada barre hiiraale. shabaab waxaa hadda ka soo buuxsamey maleeshiyada mareexaan ee barre huuraale.

  4. rashid cade says:

    lool asxaabeey onlf wax ah meesha kama dagaalamayso ee waa kooxaha somalida baa markay jabaan ku calaacala ninmakii onlf baa na soo weeraray waxaan xasuustaa bashiir raage iyo xuuseen caydiid oon dhahaya onlf ayaa najabis oo maxkamado nama jabiyee waxaa ku xigay barre hiiraale waxaa ku xigay dagaalkii ay ku qabsadeen shabab gobolka bakool oo kuwii laga qabsaday ku andacoodeen onlf baa la soctay ugu danbay alshabaab oo ah ururkii ugu awoooda badnaa koofurta somalia ayaa onlf ku dacwoonaya inay dagaal kulajidhaa. aniga waxay ulatahay onlf ethipia bay ku masquulsantahay lakiin hal ma ogi in beesha ogaden oo dhan kaga wado inay onlf tahay.

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.