OCHA ayaa dalbanaysa Lacag dhan $689 Milyan si wax looga qabto Hawlaha Samafalka Soomaaliya Sanadka 2010.

Nairobi News desk.

NAIROBI (Raxanreeb.com) Qaramada midoobey ayaa Isniintii shalay ahayd waxa ay sheegtay iney raadineyso aduun dhan 689 milyan oo Doolarka Mareykanka ah si ay ugu fuliso 174 Mashruuc oo Samofala oo laga fuliyo Dalka Soomaaliya Sanadka fooda inagu soo haya ee 2010.

Qoraal ka soo baxay Hayadda QM u qaabilsan isku xirka Kaalmooyinka Baniaadanimada ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano OCHA ayaa lagu xaqiijiyay Dalabkani iyadoo Todoobkan dabayaaqadiisa uu xafiiska OCHA Magalada Nairobi ee xarunta Dalka Kiinya oo uu xafiiskeeda Soomaaliyana ku yaallo ay qabanayso kulan lagu xoojinayo Codsigani kaasi oo lagu Casuumayo inta badan wadamada Deeqda bixiya, si loogu muujiyo baahida jirta iyo dhinacyada ugu baahida badan ee hawlaha Samafalka.

OCHA ayaa waxay xaqiijisay in Lacagta ay haatan dalbanayso ay 19% ka hooseeyo Kharashkii ay dalbatay Sanadkan 2009 kaasi oo ahaa 849 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah halka ay haatan sheegtay iney raadinayso $689 Sanadka 2010.

Tani waa Natiijo ka dhalatay in la xoojiyo baahida Gargaarka Cunada, in dib u hubin lagu sameeyo qiyaasta Dadka tabaalaysan ee la bartilmaameedsanayo iyo waliba qiyaas ka qaadashada Cunada Gargaarka ah ee loo baahan yahay, dhinaca hoos u dhaca Maaliyada ayaa lagu tilmaamay Horumarka isku xirka Mashaaricda iyo iyadoo si taxadar leh loo baaray fulinta Mashaariicda loo baahan yahay, sida lagu muujiyay Warbixntani.

Sida uu xaqiijiyay xafiiska QM u qaabilsan isku xirka kaalmada Baniaadanimada qiyaastii Dad gaaraya 3.64 Milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo noqonaya in kabadan labo meelood meel dadka ku nool gudaha Dalka Somaaliya iney wali u baahan yihiin Nolasha asaasiga ah iyo kaalmooyin Baniaadanimo, arintani ayaa waxay noqonaysaa in Dadka tabaalaysan ee ku sugan gudaha Dalka uu 13% sare u kac ku yimid tan iyo Bishii Janaayo oo ahayd wakhtigii Dawlada Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed lagu soo yagleelay dalka Jibuuti.

Sidoo kale waxaa sare u kac ku yimid xadiga Nafaqa darrada ee Caruurta, iyadoo 5tii Caruura oo ay da’doodu ka yar tahay 5sano uu mid kamida la ildaran yahay Nafaqa darro, iyadoo 20kii Caruura oo mid kamid si xun u macluulsan yahay ama ay tabar daro hayso.

Hoos u dhaca ku yimid kharashaadkii laga heli jirey Wadamada Deeqaha bixiya ayaa sidoo kale sii xumeeyay xaalada iyadoo saamayn gurracan ku yeeshay hawlaha Samafalka ee loo baahan yahay in laga fuliya qaybaha muhiimka ah sida hawlaha Gargaarka Cunada, helitaanka Biyaha, ka shaqaynta Nadaafadda, Caafimaadka iyo Gabaadka(guryaha).

Si kastaba ha ahaatee Dad farabadan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in lacagaha Deeqagha ee Hayadaha QM u qaabilsan Hawlaha Baniadanimada oo ay ayada OCHA kamid tahay inaysan si wanaagsan u maamulin kharashaadka ay ka helaan Dalalka Deeqda bixiya iyadoo aysan jirin Dad matalaya Dalka Soomaaliya oo dabagal ku sameeya in lawada isticmaalay kharashaadkii Hayadaha soo gaaray iyo in si dhamaystiran loo gaarsiiyay Dadka Magacooda lagu soo qaatay oo ah Dadka u baahan garab qabashada ee ku dhibaataysan gudaha iyo dibedda Dalka Soomaaliya.

Dhaliilaha Hayadaha loo jeediyo waxaa ka mida in Lacagta ay bixiyaan dalalka Deeqda Bixiya qiyaastii wax ku dhaw 50% lagu isticmaalo Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kiinya, waxaa la isweydiinayaa arinta ka dambaysa in inta badan hayadahani ay xafiisyadooda hawlaha ugu badani ka socdaan loogu hayo dalka Kiinya, iyadoo ay dalka Soomaaliya ka jiraan goobo xasiloon oo ay ku hawl gali karaan Hayadahani, iyadoo goobaahaasina ay kamid yihiin Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ugu damabyntii waxaa haatan laga war dhawrayaa dabayaaqada Todobaadkan, iyo bal waxa ay ka yiraahdaan Wadamada Deeqda bixiya dalabkan lacageed ee ay Hayadda OCHA raadinayso si wax looga qabto hawlaha Samofalka ee dalka Somaliya sanadka 2010.

Abdiqafar Ahmed Shire (Mr. Gurxan).
Xafiiska Raxanreeb Nairobi, Kenya.
Proffgurxan@Raxanreeb.com

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.