Hay’ada PAC Oo Maanta Magaalada Gaalkacyo Ku Qabatey Xuska Munaasabada Maalinta Aidska Aduunka (Sawiro)

Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com

Gaalkacyo (RBC):- Hay’ada ku shaqada leh ladagaalanka Cudurka HIV ADIS una qaabilsan Maamulka Puntland ee PAC, ayaa maanta munaasabad weyn oo ay ugu dabaal degayaan maalinta loo asteeyay Cudurkaasi halista ah ay ku qabatey Magaalada Gaalkacyo.

Munaasabada oo ka dhacdey Xarunta Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dawladda Puntland xafiiskeeda Gobolka Mudug ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Magalada Gaalkacyo, Taliska Qeybta Gobolka Mudug, Ururada Bulshada rayidka ah, Aqoonyahano iyo dhamaan NGO-yada ka shaqeeya wacyi gelinta Cudurka AIDS-ka.

kuxigeenka_duqa_galkacyo

Waxaa ugu horey munaasabada furay Kuxigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo C/laahi Axmed Ibraahim (Macruuf) oo sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu hadalo ka yiraahdo munaasabada ay isugu yimaadeen dadweyne aad u farabadan, intaa kadibna waxaa uu guda galay ereyo kooban oo uu ka yiri halista cudurkaasi uu leeyahay iyo in ay munaasib tahay in laga feejignaado sida ugu haboon, waxaa uuna baaq u jeediyay Waalidiinta Soomaaliyeed oo uu uga digey in aysan ka seexan asluubta ubadkooda.

2

Wakiilka Hay’ada PAC ee Gobolka Mudug C/qaadir Maxamuud Cabdi ayaa waxaa uu soo dhaweeyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha kulanka, isla markaana mahad celin balaaran u jeediyay, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad uu qoraal ahaan u soo diray Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole, taasi oo ka hadlaysay AIDS-ka, waxayna khudbadu isugu jirtay fariimo wacyi gelin ah iyo dardaaran ku aadan in aan la fuquuqin oo aan la takoorin dadka la nool Cudurkaasi halista ah.

wakiilka_pac

1

Kulankani munaasabada ah oo ay soo agaasimeen maamulka Hay’ada PAC ee Gobolka Mudug ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobay jawi wanaagsan, waxaana dhamaan ka soo qeyb galayaasha loogula dardaarmay in ay gaarsiiyaan bulshada ay ka yimaadeen ee aan nasiibka u yeelan in ay ka soo qeyb galaan kulanka halista cudurkani uu leeyahay.

RBC Radio.
 
 

 

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

1 Response for “Hay’ada PAC Oo Maanta Magaalada Gaalkacyo Ku Qabatey Xuska Munaasabada Maalinta Aidska Aduunka (Sawiro)”

  1. Omar says:

    Waa mahadsantihiin raxanreeb akhbaartiina kala go’a aan lahayn ee wadanka.

    Guul.

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.