Xuska Maalinta AIDS-ka Aduunka Oo Ka Dhacdey Xarunta Nabada Iyo Horumarinta Waxbarashada Gaalkacyo (Sawiro)
Gaalkacyo (RBC):- Munaasabad lagu maamuusayo xuska maalinta AIDS-ka Aduunka ayaa maanta Gelinkii dambe waxaa lagu qabtey Xarunta Waxbarashada Nabada iyo Horumarinta Waxbarashada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.Munaasabadani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isla markaana soo bandhigay NGO-ga GMF iyo Xarunta Waxbarashada Nabada iyo Horumarinta Waxbarashada magaalada Gaalkacyo, waxaana taageera muuqda ka geysatey Hay’ada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Xafladani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Magaalada Gaalkacyo, Hay’adaha Samafalka ah, Marti sharaf lagu casuumay in ay ka soo qeyb galaan iyo Ardey aad u farabadan oo wax ka barta Xaruntaasi.

Waxaa intii Munaasabadu socotay lagu soo bandhigay ruwaayado ka hadlaya halista Cudurka HIV AIDS waxaana dhinac socday heeso ay qaadayaan Ardey wax ka barata Xaruntaasi, waxaana isku soo dubaridey kooxaha ruwaayada qosolka iyo maadka jilayay Abwaanka caanka ah ee C/qaadir Cali Cigaal.

Maamulada Magaalada Gaalkacyo iyo kan Gobolka Mudug oo labada mas’uul ee ka socday lagu casuumay ka hadalka munaasabada ayaa dhamaantood dadweynihii ka soo qeyb galay u sheegay in loo tafa xeyto sidii loo cirib tiri lahaa cudurkani, isla markaana looga hortegi lahaa faafidiisa.
Intaa kadib ayaa waxaa la aaday dhinacaa iyo Isbitaalka GMC halkaasi oo ay ka dhacaysay Ciyaar kubada cagta ah oo ay soo agaasimeen Maamulka GMF (Galkayo Medical Foundation), ciyaartaasi oo dhex maraysay labo kooxood oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo oo lakala yiraahdo Comsed iyo Telcom.
Waxayna Ciyaartaasi ku soo gaba gabowday 3 iyo 1 halkaasi oo ay guushu ku raacdey kooxda Comsed oo ka dhisan magalada Gaalkacyo isla markaana ku ciyaarta magaca GMC, halkaasina waxaa maamulka Isboortiga Gobolka Mudug uu ku gudoonsiiyay koob qurux badan oo loo diyaariyay labada kooxood tii soo baxda.












