Xayawanka Gorillaha oo Somaliland lagu arkay, lagana cabsi qabo wax yeladisa
Wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland ayaa ka hadashay laba Gorille, oo markii u horeysay lagu arkay deegaano kala duwan oo ku yaala Gobolada Saaxil iyo Tog-dheer.
Agaasime Ku Xigeenka waaxda asaarta qadiimiga ah ahna Sahmiyaha koowaad ee asaarta, Maxamed Cabdi Cali, ayaa sheegay in Hawlgal ay samaysay Wasaarada Dalxiisku oo qaatay muddo toban maalmood ah, ay ku guulaysteen in ay arkaan mid ka mid ah labadaa Gorrille, waxaanu xusay in xayawaankaasi Dameer le’eg yahay, isla markaana uu u cag eg-yahay Gorrille ka soo jeeda Afrikada dhexe wadamada Harrooyinka waaweyn.
“Waxaanu Gorrilahaasi ku aragnay meel bari ka xigta degmada Sheekh oo la yidhaahdo Garas, oo u dhow buurta la yidhaahdo Wagar, Gorrillaha labaad ayaa lagu sheegayaa Buurta Nageegir oo dhinaca waqooyi bari ka xigta Magaalada Burco. Xayawaankan oo aan asal ahaan hore u joogi jirin dalkan,”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Cali.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in labadan xayawaan Gaadiid lagu keenay oo la kala dhigay tuulooyinka Boodhley iyo Kal-bari oo dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Burco.
Beeralayda beer roobaadka ee beeraha xab-xabka ayaa dareemay markii u horeysay markii uu ka cunay midhihii. Markii dambena waxa la arkay isagoo weeraraya daanyeerka iyo ugaadha duurjoogta ah oo uu cunayo.
waxa si gaar ah cabsi xoog leh ka muujiyay carruurta iyo Haweenka deegaanka lagu arkay. “Marka uu tallaabsanayo waa xayawaan qurux badan, raadkiisuna wuxuu le’eg yahay ilmo 12 jir ah, dadka qaar ayaa xayawaankan u arka inuu yahay rabaayad ama dad la joog,”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Cali, waxaanu intaasi ku daray “Cududa labadiisa gacmood Gorillahani wuxuu ku xidhan yahay Bir u eg baraarug.”
Md. Maxamed Xasan Jaamac (Faas), oo ah madaxa aataarta qadiimiga ah ee gobolada barriga Somaliland ayaa sheegay in xayawaankan la sheegay inuu dabo galo dadka xilliga habeenkii guuraynaya hase ahaatee aan wali la sheegin wax dhibaato ah oo uu u geystay cid.









oo soo gorriilihu beesha isaaq kama dhalan.
waxaan filayaa inay afxumo tahay taasi
ee soomaaliyeey waxaainoo taal hawl badan taas oo ah sida dalkeenii loo boobayo inana wax raqiisa baan goor iyo ayaan kahadalnaa.
nabadeey
Waa hubaal in goriilaha la keenay carada somaliland. waxase suaal ah yaa keenay? maxay u keeneen? iyo maxay ula dan lahayen? suaalahani jawaabtodu wax badan ayey iftiimin karta, ooy ka mid tahay halista iyo dhibaatada uu goorile ku yeelan karo carigani iyo faaiidoyin, hadiiba u leeyahay!
Gorillaha haba yaraatee wax faa’iido nooma keeni karo.
Gorillaha waa qasaara socota. Dhulka Soomaalida ma ahan dhul uu Gorilla kunoolaan karo, sababtoo ah dhulka gabi ahaan waa daaq ey somalida Geel jiraha iyo xoola dhaqatada ey intaas dhex meereeysanayaan, looma baahna gorilla dadka dhib u keena, oo ku faafa dhulka.
Gorillaha waa in hada laga hortagaa, intuu laba ku yahay dhulka.
hadii kale wax kasta ayuu baaba’in.