Ciidamo ka tirsan Dowladda oo qaraxyo lagula eegtay MUQDISHO.

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo qaraxyo lagula eegtay MUQDISHO.

Muqdisho (Raxanreeb )  Qarax xoogan oo laga maqlay guud ahaan degmooyinka magalada muqdisho  ee caasimadda dalka.

Qaraxan waxa uu ka dhacay meel u dhaw Hotel Ramadaan ee degmada Yaaqshiid waxaana la sheegayaa in uu haleelay gaari Saaruf ah.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in waxyeelo ay soo gaartay ciidanka lala eegtay qaraxa kuwaas oo loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa soo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxayna ka qab qabteen dad u badnaa dhallinyaro oo ay ku tuhmayaan in qaraxa ay ka danbeeyeen.

24- kii saac ee la soo dhaafay waxa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo dhawr ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay ciidanka Dowladda ee lala eegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.