Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo Weeraray Eritrea
Djibouti, (RBC Radio) Wasiirada arimaha dibada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa soo gabagabeeyey kulan labo maalmood uga socday caasimada dalka Djibouti halkaasi oo kaga doodeen arimaha amaanka ee gobolka Geeska Afrika.
Kuankaasioo mudada labada maalmood ka socday dalka Djibouti waxaa si weyn loogu gorfeeyey xaalada Soomaaliya iyadoo si kulul wasiiradu ay u cambaareeyeen weerarkii isqarxinta ahaa ee todobaadkii hore lagu dilay xubno wasiiro ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Wasiirada arimaha dibada IGAD waxay bayaankoodii gabagabada soo saareen baaq ay u jeedinayaan dowlada Eritrea iyagoo ku eedeeyey inay wado dhibaatada Soomaaliya ka holcaysa, waxayna ugu baaqeen inay Eritrea si deg deg faraha ugala baxdo faro gelinta Soomaaliya.
Waxay wasiiradu xoojiyeen baaqii Midowga Afrika iyo wadamada Ingriiska iyo Mareykanka ee ahaa in la cunaqabateeyo Eritrea haddii ay joojin weyso taageerida kooxaha islaamiyiinta ee mucaaradka ah ee Soomaaliya.
Waxay wasiiradu sidoo kale Ertrea ku eedeeyeen inay iska dhega tireyso baaqyada dunida ee ku aadan inay nabada raacdo kana baxdo dhibaatada iyo dagaal doonka, sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay golaha amaanka inay tallaabo deg deg ka qaadaan Eritrea.
Baaqa qasiirada arimaha dibada IGAD ayaa ku saabsanaa kulanka ay dib ugu eedayeen xaalada siyaasadeed iyo kuwa nabadgelyo ee ka jira geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
RBC Radio









