Wafdi Qaramada Midoobay oo Booqasho ku Maraya Gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb, (RBC Radio)  Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay oo ka kooban 9 xubnood ayaa todobaadkan booqasho ku maraya degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo uu gacanta ku hayaan ururka Ahlu Sunna.

Wafdigan oo maalintii Sabtidii soo gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka ayaa la kulmay masuuliyiinta gobolkaasi iyagoo kala hadlay arimo ku saabsan gargaarka hay’adaha iyo arimo kale.

Cali Baashi Diiriye oo ka tirsan masuuliyiinta Ahlu Sunna ee degaankaasi oo faahfaahin ka bixiyey kulamada ay la qaateen xubnaha wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in la isku afgartay in hay’adaha ay ballaariyaan hawsha ay ka hayaan gobolka iyadoo maamulka degaankana uu ka taageerayo arimahaasi.

Waxaa xubnaha wafdigan ay ka kala socdaan hay’adaha kala ah Unicef, UNHCR iyo WHO, iyagoo u kuurgalaya xaalada qoxootiga iyo caafimaadka degaanka gaar ahaan dadka soo barakacay ee ku nool degaanada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa allanqaaday masuuliyada hay’adaha gargaarka iyadoo dhinaca hay’aduhuna loo sheegay in laga rabo in waajibaadkooda ay gutaan, sida uu sheegay Cali Baashe.

Degmooyinka Dhuusamareen iyo Guriceel waxay ka mid yihiinmeelaha dadka ugu badan ee barakacayaasha ay ku noolyihiin govolka kuwaasi oo inta badan laga deysiyo xaaladooda xagga nolosha.

Waxaa hore sidan oo kale booqashooyin gobolka ugu maray saraakiil ka tirsan hayadaha Qaramada Midoobay kuwaasi oo dadka ay ku eedeeyaan inay ku mashquulsan yihiin safaro diyaaradeed oo qaali ah halkii ay dadka wax ugu qaban lahaayeen.

 

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.