Tababare Shiikha oo xiray ciyaarihii Somali Fall league ee Minnesota.
MINNESOTA , (raxanrerb.com) -Tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda Koleyga Cabdulqaadir Xaaji Daahir ”Shiikha” ayaa si rasmi ah u xiray tartankii cayaaraha Kubadda cagta ee loogu magac daray Somali Fall League, kaasi oo ay isku hirdinayeen 16 kooxood oo ka mid ah kooxaha K/cagta ee ka dhisan gobolka Minnesota.
Tartankaasi isaga ah ayaa qabanqaabadiisa waxaa si xoog leh isaga xilsaaray labada dhallinyaro ee la kala yiraahdo Daadir Abyan iyo Mustaf Axmed “Scoopy”, iyaga oo gacan aad u ballaaran ka helayayf guddigii qabanqaabada tartanka iyo dhallinyaro isu xilsaaqaantay taaba galinta tartankaasi.

Tartankaasi isaga ah ayaa waxaa uu soo billowday horraantii bisha Oktoober ee sannadkan 2009, kooxihii ku tartamayayna waxaa ay kala ahaayeen: Karmell Stars, Twin Cities, Communality,Cedar Stars, Edenpraire,Rochester, Saint Cloud,Higher Ground, Mcknight Stars,FC Baariyoow,Olympiacos,Elman,Via Roma Owatona iyo Midnimo, waxaana guud ahaanba kooxahaasi ay muujiyeen ciyaar wanaag iyo asluub.
Ciyaarihii semifalka waxaa isku soo aaday Twin Cities iyo Via Roma,waxaana 4 gool iyo 2 ku adkaatay Twin Cities, karmell Mall ayaa iyaduna 6 gool iyo 2 ugu itaal roonaatay Cedar Stars.
Ciyaartii Finalka oo dadweyne fara badan ka soo qayb galeen ayaa waxaa foodda is daray kooxaha Twin Cities “TC” iyo kooxda Karmel Mall. Ciyaartan ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis ay labada dhinac isku hayeen, iyada oo waliba kooxda Karmell ay aad u gacan sarreeyeen qaybtii hore, sacab fara badana uu u dhacayay . Qaybtii hore ayaa ku soo idlaatay 3 gool ay hoggaanka ku haysay kooxda TC, halka Karmell ay lahaayeen 2 gool.
Wada tashi dabadeed oo la isugu soo laabtay qaybtii 2aad ayaa u suuro gashay in kooxda TC ay si aad ah wax uga badaleen ciyaartooda,hoggaankiina ay si fudud kula wareegaan waxaana u suuro gashay inay goolal darandoori ah ka dhaliyaan kooxda Karmall oo iyadu dib isu soo qabsan waysay taasoo aad uga yaabisay taageerayaashoodii, waxaana guud ahaanba ay ciyaartii ku soo gabagabowday 9 gool ay guushii ku raacday kooxda TC iyo 3 gool oo ay keensadeen kooxda Karmall stars.
Xiritaankii tartankaasi waxaa goob jog ka ahaa qaar ka mid ahaa ciyaaryahannadii qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo cagta oo halkaasi lagu casuumay, tababarayaal, masuuliyiin, ciyaaryahannadii kooxaha iyo daawadayaal faro badan oo garoonka soo camiray, waxaana halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii kooxahu ay ku kala guulaysteen oo loogu kala guulaystay sidan:
- Goolhayihii ugu wanaagsanaa “Best Goalie” oo loo gartay goolhaye Abdiqani oo ka tirsanaa kooxda TC, waxaana guddoonsiiyay Mukhtaar.
-Ciyaartooygii ugu goolal dhalis badnaa “ Top Scorer” oo noqday Sheikh Omar oo ka socday kooxda TC, Waxaana guddoonsiiyay C/casiis Aalkolo.
-Ciyaaryahankii ugu difaac fiicnaa “Best Defender” oo loo aqoonsaday Ahmed Machigan oo ka socday kooxda Karmell, waxaana guddoonsiiyay Jama Blue
-Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka “MVP tournament” oo loo aqoonsaday Ibraahim oo ka socday kooxda Via Rome, waxaana guddoonsiiyay Maxamuud Ciise.
-Tababarihii ugu wanaagsanaa tartanka “Best Coach” waxaa loo aqoonsaday tababare Balaakii oo waday kooxda Cedar Stars, waxaana guddoonsiiyay C/casiis Biixi.
-Ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ciyaartii kama dambaysta “Final MVP” waxaa loo aqoonsay ciyaaryahan Abdirizak oo ka socday kooxda TC, waxaana guddoonsiiyay cagaweyne,
- Kaalinta 2aad ee tartanka “ second Place”waxaa ku guulaystay kooxda Karmell stars, waxaana guddoonsiiyay C/qaadir Madaxey.
-Kaalinta 1aad ee tartanka “ 1st Place” waxaa ku guulaystay kooxda Twin Cities “TC” ,waxaana koobka guddoonsiiyay C/qaadir Shiikha.
Barnaamijkaasi intuu socday waxaa si wanaagsan u daadihinayay wariye Gaalkacayo oo ka mid ah wariyayaasha gobolka Minnesota.
Waxaa Diyaariyey: C/qaadir Yuusuf











