Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Qarax Fiidnimadii Xalay Lala Eegtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com
Garowe (RBC):- Hal ruux ayaa geeriyooday qof kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii fiidnimadii xalay Qarax lala eegtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi, xilli uu sii galayay Aqalka uu ka degan yahay magaalad Garowe ee Caasimada Puntland.
Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ay RBC Radio la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay in xilliga qaraxa loo geystay uu ku dhowaa gurigiisa,” Waxan markaa sii gali rabay Aqalkeyga, waxaan ka warhelnay qaraxa dhacay ee qabsadey gaarigii aan watay, waxaana dhintey mid kamid ah ilaaladayda, darawalkiina waa dhaawac, anigana wax sidaa u weyn oo aan qabo ma jirto hayeeshee waxaa isoo gaarey firirka qaraxa wax sidaa u buurana maha, ee Alle dile ayaa dhinta, Alxamdulilaah waan ka badbaaday” ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi.
Qaraxa Gudoomiyaha lala eegtay kadib ayaa waxaa in cabaar ah gudaha magaalada Garoowe laga wada maqlayay rasaas in cabaar ah socotay taasi oo aan ilaa iyo haatan la garaneyn ujeedada loo riday, waxaase la rumaysan yahay in cidda qaraxa geysatay ay hubeysneyd iyadoo rasaastuna ay dhexmartey kooxda qaraxa geysatay iyo ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Dhinaca kale waxaa gebi ahaanba saaka hakad ku jira isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Garoowe, waxaana guud ahaan magaalada lagu daadiyay Ciidamada Daraawiishta Puntland ee u tababaran xaaladaha deg deg ah, kuwaasi oo taagan aqal walba oo ku yaala caasimada Puntland, waxaana ciidanku isku dayayaan baaritaanada cidda bartilmaameedsatey Gudoomiyaha Baarlamaanka.
RBC Radio.









