Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Ka Qeybgaley Xuska Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed (Sawiro)

Garowe, (RBC Radio) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire, wasiiro ka tirsan dowlada, xildhibaano iyo bahda saxaafada ayaa ka qeybgaley xaflad lagu maamuusayey maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ku beegneyd shaley, 21-ka January.

Xaflada oo aahayd mid ballaaran waxaa hadalo kala duwan ooku saabsan munaasabada 21-ka January ka jeediyey masuuliyiinta dowlada.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka munaasabada hadal dheer ka jeediyey ayaa ku baaqay in warbaahintu ay ka qeybqaadato horumarka iyo nabada kana hortagto iska horkeenka iyo buunbuuninta waxyaabaha aan jirin.

Wasiirka warfaafinta C/xakiim Axmed Guuleed oo isaguna hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday kaalinta warbaahinta waxaana uu si gaar ah uga hadlay eedo ku saabsan in saxaafada ay ka hadasho warar lidi ku ah maamulka Puntland.

Qaar ka mid hawlwadeenada warbaahinta oo iyaguna ka hadlay kulanka ayaa ku baaqay in la dhoowro xoriyada hadalka iyo warbaahinta madaxa bannaan ee ka jirta dalka xilligan.

Kulamo kale oo kan la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka kale ee dalka iyadoo ururka wadaniga ee SOMPED uu ka qeybqaatay xafladaii ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo.

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.