Dadweynaha Garowe oo Walaac ka Muujiyay Lacagta Cusub ee ay Sameysaneyso DKMG
(Garowe) RBC :Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa aad u hadal haya samaynta lacagta cusub ee ay ka dhawaajisay DKMG ah ee Soomalia asbuucyadii aan ka soo gudbnay taa oo ay dabacadeeda ka codsatay Dowlada Dalka Suudaan.
Lacagta cusub ayay ku sheegeen dadka ku dhaqan Magaalada Garow badnkood mid keeni karta sicir barar hor leh iyo dhaqaala xuma soo wajahda Umada Soomaliyeed waxa ayna tilmaameen in ay jiren lacago horay loo soo daabacay oo saameeyay guud ahaan Shacabka Soomalida ee ku dhaqan Dalka Soomalia.
Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa dhawaan ka codsatay dalka Suudaan in ay u soo samayso lacag cusub oo ay yeelato Soomalia hasa ahatee arintaa ayaa waxaa ka horyimid Dowlada Puntland oo amuurtaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn wadada ku haboon in loo maro
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi xakiin axmed Guuleed oo shir Jaraaid ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta laba maalin ka hor ayaa ku eedeeyay Dowlada KMG ah ee Soomalia la tashi la,aan waxa uuna sheegay in Dowlada Puntland aysan aqbali doonin samaynta lacagtaa cusub hadii ay dhacdo in ay hirgashana lugu isticmaali doonin gudaha deegaanada Puntland.
Hadalka ka soo baxay wasiirka warfaafinta ayaa daba socday hadal kale oo asna ka soo yeeray wasiirka Maamilyaa Dowlada Puntland Faarax Cali shire oo asna dhiniciisa sheegay in samaynta lacagtaa ay tahay mid la rabo in umadda lugu dhibaateeyo waxuuna ka digay in lacagtaa la so daabaco.
Waa markii ugu horaysay ee DKMG ah codsi daabacaad lacag cusub ah u dirto dowlada suudaan hasayeeshee waxaa jiray lacago horay loo soo daabacay oo ay soo samaysteen kooxa ganacsata ah taa oo samayn balaaran ku yeelatay dad farabadan oo xitaa qaarkood sicir barar owgiis waxyeelo ka soo gaartay.
RBC news
Xafiiska Garowe










DKMG waxeey qaadtay SHAREECADA ISLAAMAKA marka haddii eey soo daabacaneyso Lacag been ah aana sharci aheyn waxaan idin weydiiyey maxaa idin baxay ?
horta hore waxaan shegaya in lacagtan ujedeada ugu weeyn waa siyasda dawladed,sidas darted waxaa reer puntland lagudbon in aay 2 kala doroto waa mide in aay qatato lacagtan ,inkale in aay sosameystan ama aay kobi gareyan laacgtan lafteda labadas wado midka uron hasameyso hana iska deyso cabadka iyo welwelka,inka hindisay lacagtan waa shekh sharfi shekh adan,oo ah in caqli badan,oo aad ogtihin,rugcadagii cabdulahi yusuf,dhunta ugalay hadana donaya in uu qof kasta oo umurihisa ka horyimada durka iyo dalesha qadsinaya,mana umalanayo nin ku’ada in aad ledihin,sida s darted waxaan idinshegaya waxa kaliya ee aad kula xisabtami kartan in aad sosameysatan lacagta uu sosamystay mid laga kobi gareyey oo aan laga aqoon so samaysta,markas ayaad jilbaha dhulka ugu dhufatene,wax kale oo idin lagudbon majiran,hadii aay lacagtodu wadanka sogasho mida hada wadanka kajirta waa xaron donta,dhaqalihinana waa xaron dona,
TO WASIIRO KU SHEEGYADA PUNTLAND = POOTPLAND
WAR NIMANKAAN MADAXDA SHEEGANAAYO EE POOTOLAND LA BAXAY MAXAY UGA HADLI WAAYEEN LACAGTA AY SOO SAMEESTEEN CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAASHA REER POOTOLAND EE MAKIINADAHA U DHIGTAY BOOSAASO IYO GAROOWE, WAR WAA SHAYAADIIN AAN CEEBOODA OGEYN ISKA DAAYE MARKA AY DULMI SAMEEYAAN WAA FAANAAN MARKA AYAGA DHEGA LAGA TUMANA WAA CABAADAAN, MADAX KA XAAR WEYN MA ARAG WELIGEEY.
WAR NIMANKAAN MADAXDA SHEEGANAAYO EE POOTOLAND LA BAXAY MAXAY UGA HADLI WAAYEEN LACAGTA AY SOO SAMEESTEEN CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAASHA REER POOTOLAND EE MAKIINADAHA U DHIGTAY BOOSAASO IYO GAROOWE, WAR WAA SHAYAADIIN AAN CEEBOODA OGEYN ISKA DAAYE MARKA AY DULMI SAMEEYAAN WAA FAANAAN MARKA AYAGA DHEGA LAGA TUMANA WAA CABAADAAN, MADAX KA XAAR WEYN MA ARAG WELIGEEY.