Mc Donald Mariga Oo Ku soo wajahan Naadiga Inter.
Naadiga Inter ayaa soo xera galisay Xidiga Xidiga u ciyaari jiray Naadiga Parma, Ee algu magacaabo McDonald Mariga.
Naadiga Inter ayaa ku guuldaraysatay inay Garoonkeeda keento Xidiga Naadiga Lazio usafta Ee Ledesma,kadib markii Ee lacahaga ay ku doonayeen ay isku afgaran waayeen Gudoomiyaha Naadiga LAzio E Lotito, iyadoona ay badalkaasi soo iibsatay Xidigaani Mariga.
Mariga ayaa dalab ka helay Naadiga Manchester City, isagoona ak doorbdiday inay wali ka sii ciyaaro Waddanka Talyaaniga, isagoona usoo baqoolay Naadiga Hogaanka haysa Ee Inter.
Jariiradda kasoo baxda Waddanak Talyaaniga Ee Sky sports ayaa daabacay in Mariga uu Naadiga Inter ku imaan doono qiima gaaraya €2.5m.iyadoona Naadiag Inter Ee siin doonto Xuquuqda ay ku leedahay Naadiga Parma 50 per cent of Jonathan Biabiany’ qandaraaska.
Waxaa wali daaha laga qaadin in Xidigaani McDonald Mariga uu si rasmi ah ugu soo wareegin Naadiga Inter, laakinw axaa daaha laag rogi doonaa Saacadaha soo socda.
Cabdi Qadar Shakra
Radio RBC Sports News Desks.
Shakra@raxanreeb.com.









