Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Xaalada Bani’aadanimo ee Soomaaliya (Warbixin)
Nairobi, (RBC Radio) Warbixin ay soo saartay hay’ada Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay FAO ayaa shaaca ka qaaday in dad gaaraya 42% guud ahaan bulshada Soomaalida ay saameyn ku yeelatey xaalada bani’aadanimo iyo cunto la’aanta ka jirta dalka xilligan.
Warbixinta hay’ada ayaa tilmaameysa in xaaladaha dhinaca bani’aadanimada ee ka jira dalka ay soo xumaaneysay dhowrkii sano ee ugu dambeeyey iyadoo tirade guud ee dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada bani’aadanimo ay saameysay ay u dhigmaan 3.2 million taasui oo ka dhigeysa in 70% dadka ay u baahan yihiin gargaarka aas aasiga ah ee dhinaca nolosha.
Agaasimaha dhinaca farsamada ee barnaamijka badbaada cunada ee Qaramada Midoobay FSNAU Grainne Moloney ayaa sheegay in xaaladan ay si gaar ah u saameysay carruurta yar yar oo hadda ka dhigan in 6dii carruur ah uu mid u baahan yahay daryeel gaar ah iyo nafaqeyn.
Warbixintu waxay xustay in 240,000 oo carruur ah oo ku nool dalka ay heysato nafaqo darri daran, iyadoo 63,000 oo ka mid ah carruurtan ay yihiin kuwa ku nool gobolada bartamaha iyo koonfurta dalka.
Sida ay sheegeyso warbixintan waxa dadka ku barakacay gudaha dalka labadii sano ee la soo dhaafay ay noqonayaan celcelis ahaan 44% guud ahaan 3.20 million oo ruux oo Soomaali ah oo ah kuwa u baahan gargaarka deg dega, waxaana dadkaasi ay yihiin kuwa ka qaxaya dagaalada dalka ka dhacaya ee u dhexeeya dhinacyada siyaasada isku haya.
Waxaana dadka barakaca ah ee ugu badan ay ka qaxeen gobolada Mudug, Hiran iyo Galgaduud oo ay dhowaanahan dagaalo ka dheceen.
Sida ay sheegtay hay’ada FAO waxaa xaalada nolosha uga daray iyadoo aysan jirin dalagyadii ka soo go’i jiray beeraha oo si weyn hoos ugu dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana beeruhu ahaayeen kuwo dadka Soomaalida ay si aad ah ugu xirnaayeen nolol ahaan.
Waxaa hay’adu sheegtay inay hadda socdaan dadaalo lagu doonayo in wax looga qabto xaaladahan murugsan ee dhinaca bani’aadanimada ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha dalka.
Warbixinta FAO ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan hay’ada maxalliga ah ay sheegeen in dad ka badan 12,000 oo ruux ay ka barakeceen dagaaladii bisha January ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qeybo badan oo dadkaasi ka mid ah ayaa nolol liidata ay ku heysataa degmooyin ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud oo ay u carareen.
Waxaa sidoo kale xaalad aan marnaba la saadaalin Karin ka jirta xeryaha ku yaalla duleedka Muqdisho halkaasi oo ay ku noolyihiin dhowr kun oo ka soo barakacay caasimada labadii sano ee la soo dhaafay.
RBC Radio








