Sheekh Aweys oo Qiray in Sheekh Xasan Turki Shabaab ku Biiray Eedayna u Jeediyay Al Shabaab
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Goordhaw soo gaba gabeeyay shir Jaraa’id oo uu uga hadlayay arrimo dhowr ah oo ku aadan Somalia.
Sheekh Xasan daahir Aweys oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Sheekh Xasan Turki oo ahaa K/xigeenkiisii 1-aad uu la Midoobay Al Shabaab.
Xasan Daahir wuxuu cadeeyay in saraakiil muhiim ah oo Xisbul Islaam katirsanaa ay la midoobeen shabaab wuxuuna ku Eedeeyay Shabaab in ay Ciidamadii Islaamiyiinta kala qaadeen.
Gudoomiyaha Xisbul Islaam wuxuu ku dhaliilay Ururka Al Shabaab in ay si xeeladaysan ukala furfureen Saraakiishii iyo Ciidamadii Xisbul Islaam.
Hadalkan kasoo yeeray Sh Xasan Daahir ayaa Liddi ku ah War uu isla maanta jeediyay Taliye Ciidan oo katirsan Xisbul Islaam oo beeniyay in Kaambooniyiinta shabaab la midoobeen, Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqdo in uuu sii kala Burburayo marka loo Eego qaab siyaasadeedka ay Shabaab kula tacaamulayaan.
RBC kala soco wixii soo kordha











Hal xaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho:
Alitixaad, Maxkamadaha, alshabab, raskamboni, xisbul islaam. Intaasba Xasaan Daahir asaga abuuray, maantana intuba banaanka ayay dhigeen. Bagah.
WABEEY CADALE… Odaygii malaga takhalusay, kaas adduun & aakhiroba waa khasaaray. Awalba waa la ogaa in siyaasad xumadiisa ay meeshaas dhigi doonto. Iska bari Alshabaab si boos kuxigeen-ka Turki aad u hesho, taasaa rajo kuugu dhow, waana sameyneysaa oo waan ku aqaan.
kkkkkkkkkkkkkk ogayka waykadaalaa waxbadan buu ikadhigay madaxda shaadi diineedka kuqaraabtah
findhicil ma xalaalbaa mise waa xaraan,baa la yiri,soo qaadqaadidiisa ba xun.
Somali haddii ay waxuun kala garanayso ha tashato.wax la sii fiirsadaa meesha mayaaliin
“Bohol hadimo ha qodin haddaad qoddana ha dheereerayn ku dhici doontaana ma ogide…”
bal hadda xasan qaxaaye haggee u qaxaayaa meel wabla asagaa dab ka shidaye!!
Assc.
Sida la rumaysan Xassan Daahir Awees Soomaaliya waxuu ka suubiyey dhibaatooyin badan.Waxaa kaloo la yiraahdaa in uu Xassan suubiyey kulligood Jabahado shaydaanka laaya shacabka Soomaaliyeed.Xassan Daahir Awees dambiyo badan buu ka galay Rabbi (swt) iyo ummadda Soomaaliyeedba.Xassan waxuu ceebeeyey Diinta Ilaahay (swt).Xassan si xun buu Diinta xaqga ah u rogay.Xassan Diinta Islaamka waxuu ka dhigay mid lagu raadsado XUNKUN adduun iyo siyaasad guracan.Xassan Daahir Awees maantuu hayaa dhibaatadii uu ka shaqeeynayey mudoda badan.Isagii bayna ku soo wada noqdeen mashaakiladii uu abaabulay.Xassan ugu yaraan waxuu jiraa inta u dhaxaysa 75 illaa sideetan.Ugu dambeyntii waxaan Oday Xassan kula talin lahaa in uu u soo noqdo Rabbigiis (swt).Dadka Soomaaliyeedna inta nool uu ka dalbado CAFIS.
Bashir Jama.
w s c