Jaamacada Muqdisho oo Imtixaankii Kama Dambeyska Ku Soo Gaba-gabeysay Boosaaso (Warbixin & Sawiro)

Boosaaso, (RBC Radio) Jaamacadda Muqdisho Campuska Boosaaso ayaa soo gaba gabeysay imtixaankii finalka ee simisterka 1aad sanad waxbarashadeedka 2009/2010 ee ka socday xarunta jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso.

Xarunta Cusub ee jaamacadda Muqdisho oo la dhisay sanadkii 2009 isla markaana si rasmi ah waxbarashada looga bilaabay bishii septembar 2009 ayaa ah meel si aad ah loogu diyaaray oo ku haboon tacliinta sare ee jaamacadeed.

Ardayda wax ka barta kulliyadaha kala duwan ee jaamacada ayaa todobaadkan oo dhan u fadhiyey imtixaanka jaamacada kaasi oo haatan si guul ah ku soo dhamaaday, sida uu RBC Radio u sheegay Prof Adam Xerow oo ah madaxa Jaamacada Muqdisho Compass-ka Boosaaso ee Puntland.

Imtixaanka jaamacada oo si deganaan ah ku socda

Campuska Boosaoso ee Jaamacadda Muqdisho waxaa la furay 3/08/2008, waxaa  lagu bilaabay waqtigaas saddex kulliyadood oo kala ah sharciga iyo qaanuunka, waxbarashada, dhaqalaha iyo maamulka oo dhamaantood ka koobanaa takhasusyada kala ah:

1- Shari’a & law,
2- Social science,
3- Math & physics,
4- Economics,
5-  Business Administration,
6-  Accounting
7-  Public Adminstration.

Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta jaamacada waxaa sanadkan 2010 lagu soo kordhiyay jaamacada Muqdisho kuliyadda computer science, information technology iyo barnaamijka daraasaadka sare oo leh takhasuska sharciga iyo qaanuunka, waxbarashada iyo maamulka iyo maaraynta, taas oo ay jaamacadda iska kaashadaan Umdurmaan Islamic University o dalka Sudan ah iyo Open University oo dalka Malaysia ah. 

Arday wiilal iyo gabdho ah oo ku jia imtixaankii finalka ee semesterka 1aad

Qaar ka mid ah ardayda jaamacadda ayaa cabiray dareenkooda iyaga oo ku faraxsan, hurumarka ay ka sameeyeen dhinaca waxbarshada, waxay waalidiintooda iyo Maamulka Jaamacadda ugu mahadceliyeen diyaarintooda iyo dhismaha campuska wayn ee leh dhammaan adeegyada waxbarasho ee lagu diyaarayay campuska.

Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Professor. Cali Sheikh Ahmed ayaa ugu hambalyeeyay ardayda jaamacadda munaasabadda dhamaadka semester 1aad ee sandka 2009/2010 isga oo ka mahadceliyay dadaalka waxbarasho ee ay ardaydu muujiyeen mudadii ay jaamacadda waxka baranayeen kulana dardaarmay in ay sii laba laabaan dadaalkooga. 

Sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dhamaan bahda jaamacadda, saaxiibdeeda iyo umadda Soomaaliyeed guulaha ay gaartay jaamacadda muqdisho guud ahaan iyo dhismaha xarumaha jaamacadda ee ku kala yaalla magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.

Qaar ka mid ah macalimiinta jaamacada oo kormeeraya imtixaanka

Jaamacadda Muqdisho oo la furay 1997 waxa ay ka kooban tahay 7 kulliyadood oo leh 20 takhasus iyo barnaamijka daraasaadka sare (Master degree iyo PhD), waxaana ka qalinjabinaya sanadkan 2010 dufcadii 10aad.

Jaamacadda Muqdisho oo leh jaamacad  aqoonsi  caalami ah waxay ka mid tahay  40-ka jaamacood ugu horeeya Jaamacadaha Africa, waxayna jaamacadan xubin ka ka tahay daladaha Jaamacadeed  ee caalamiga ah sida:

1. Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI).
2. Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta. ( AARU)
3. Midawga jaamacadaha carabeed eee Khaaska ah
4. Raabidada jaamacadaha islaamiga ah
5. Midawga Jaamacadaha Afrika (AAU)
6. Midawga Jaamacadaha Caalamka ah (AIU).

Dhinaca kale waxaa sanad markasta sii kordhaya tirada ardeyda ku biireysa jaamacada Muqdisho ka dib markii ay jaamacadu kalsooni gelisay dhalinyaro badan oo ka baxda dugsiyada sare ee dalka kuwaasi oo waxbarashada jaamacada u raadsan jiray dibadaha, laakiin haatan u muuqda in ay kaga maarmeen jaamacada Muqdisho.

 Warar dheeri ah Fadlan booqo:  www.mogadishuuniversity.com  ama www.youtube.com/mogadishuuniversity

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

2 Responses for “Jaamacada Muqdisho oo Imtixaankii Kama Dambeyska Ku Soo Gaba-gabeysay Boosaaso (Warbixin & Sawiro)”

  1. Calanside says:

    Hambalyo hambalyo hambalyo. Muqdishouniversitay waan u hambalyaynayaa dadaalka ay ugu jiraan tirtirida jaahilka sida aan la socono dal waxaa horumariya aqoonta. Ardayda Bosaso iyo kuwa kale ee dalka waxaan ku boogaadinaya in ay samraan kuna tashadaan dalkooda horumarkiisana iyo hogaamintiisa iyaga ayay gacanta ugu jirtaa waxaad thiin hoogaamiyeyaashii mustaqbalka dhow, guulaysta guulaysta jaahilku ha dhinto.

  2. salaad says:

    gool iyo hormar wanaagsan iyo jahalka o lala dagaalamo say soomaalidu hormar iyo nabad waartah u gaaraan

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.