Baaritaano Xoogan oo Ka Socda Magaalada Laascaanood iyo Dad La Xirxiray

Laascaanood, (RBC Radio)  Booliska maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa wada baaritaano xoogan oo laga sameynayo gudaha magaalada ka dib markii qarax miino uu habeen hore ka dhacay bartamaha magaalada.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa RBC Radio u sheegay in baaritaanada socda looga dan leeyahay sugida amaanka iyo in sidoo kale lagu ogaado qaraxii miino ee habeen hore gilgilay magaalada. Qaraxaasi oo xillii saq dhexe ah ka dhacay bartamaha magaalada.

Warar ka soo baxaya qaraxii habeen hore ayaa sheegaya in hal ruux uu ku geeriyooday 4 kalena ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Dad degaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Somaluland ay xirxireen dad ku dhow 8 ruux kuwaasi oo laga qabtay goobo ganacsi, hotelo iyo guryo ku yaalla magaalada, waxaana dadkaasi looga shakiyey inay wax ka ogaayeen qaraxyada ka dhacaya magaalada oo kii ugu dambeeyey habeen hore uu dhacay.

Dhinaca kale waxaa kulamoku saabsan amaanka uu u socdaa saraakiisha amaanka, kuwa maamulka gobolka iyo wasiiro ka aocda maamulka Somaliland oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxaa ka mid ah wasiirada jooga Laascaanood wasiirka arimaha gudaha C/aahi Ismaaciil Cirro iyo xubno kale oo degaan ahaan ka soo jeeda degaanka gobolka Sool.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid aan deganeyn dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay iyadoo ay magaalada ka dheceen qaraxyo iyo dilal lagu bartilmaameedsaday xubno ka mid ah saraakiisha Somaliland ee ku sugan magaalada.

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.