Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Hanjabaad Kulul u Jeediyay General Maxamed Nuur Galaal

RBC (Muqdisho):-Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo gudaha dalka Somalia ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa Ciidan oo uu General Maxamed Nuur Galaal ka bilaabay gobalka Galgaduud.

Ururada Xisbul Islaam iyo Shabaab ayaa shaaciyay in ay Dagaal lageli doonaan General Galaal islamarkaana uu yahay Nin Cadaw ku ah Somalida sida ay Ururadaasi hadalka u dhigeen.

Sheekh Salmaan Sahal Muuse madaxa arrimaha Bulshada Xisbul Islaam ayaa magaalada B/weyne ka Iclaamiyay dagaal ka dhan ah General Galaal iyo xulufadiisa isagoona Galaal ku tilmaamay Nin Diin aan haysan “Ninkaas cadawga ah waa Nin Murtad ah oo weligiis ku dadaalayay in uu dilo Mujaahidiinta,wax kasta oo ay nagu qaadato Galaal waan la dagaalamaynaa wax wanaag ah uma hayo umadda”ayuu yiri Salmaan oo Xisbul Islaam katirsan.

Ururka Xisbul Islaam oo kamid ah Kooxaha Mucaaradsan dowlada KMG ah ayaa ku goodiyay in Galaal uu khatar wajahi doono hadii uu si dhaqsi ah uga bixi waayo gobalka Galgaduud.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa iyana sheegtay in ay beegsan doonto General Maxamed Nuur Galaal, Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf oo katirsan Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in ay ka war hayaan dhaq dhaqaaqyada Galaal ka wado Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in Ururkoodu uu yaqaan qaabka loola dhaqmo Saraakiisha nuucaan ah oo uu ku sifeeyay Cadaw “waan ognahay soo gelitaanka Galaal ee dalka, Ninkaas waxaan ku tebaynaa gacantiisa in uu dillay rag badan oo Mujaahidiinta katirsanaa waxa aan kala helno ayaan leenahay “ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa Dadka siyaasadooda kasoo horjeeda ku sheega in ay yihiin kuwa diinta ka baxay halka iyagana lagu Eedeeyo Argagaxiso la shaqeeya Ururka Al Qaacidda.

General Galaal oo isna shalay lahadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in uu u yimid xoojinta Ururka Hubaysan ee Ahlusuna Waljamaaca oo muddo sanad ah Galgaduud kula dagaalamayay Al Shabaab iyo Xisbul Islaam islamarkaana uu qayb ka qaadan doono dagaalada ka dhanka ah Islaamiyiinta.

Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Muqdisho Somalia

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

4 Responses for “Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Hanjabaad Kulul u Jeediyay General Maxamed Nuur Galaal”

  1. PUNTLANDER says:

    WAA SAAS. SHAQADA HA LA ISKA CABO. SH KHALAF WIIL HOOG IGA DHEH MAR HADDII UU GALAAL MAANTA DABA TAAGAN YAHAY. AWAL AYUU MOORYAANTII UMMADDA NAFTA U KEENTAY EE “UNUKAA LEH. UNUKAA LA WAREEGNAY” GACMAHA UGA JARAY. GALAAL AA MAANTA KU XIGA BERINA SH XASAN DAAHIR LAFTIGIISA AYAY SEEFTU SAARAN TAHAY. SABABTA OO AH CID WALBA OO DADKII MASAAKIINTA AHAA DISHAY ROOBOOW,KHALAF & GODANE AYAA U JOOGA.

  2. Farax guled says:

    Galaal ma naxariis aad u haydaan ayuu ku noolaa tiis ayan wali galin mida kale galaal qibrad ciyaal cimaamad loo xiray iyo mid ka soo hajiray afganistaan midna ka baryimaa galaal dal iyo dadba soo u difaacdo waa yaqaan shabab kii aasay ee adan xashi cayrow iyo salax nabhanba qorshihii lagu cunay asaga ayaa sameyay hadana cali dhere iyo kaba kutukade ayuu rabaa inoo ka taqaluso balse shangole robow ayagu galaal waa la shaqeyaan waana is ogyihiin ee dadka ayaa loo been guraa shangoli in qorshaha galaal wax ka ogyahay ayaa u sheegay dadka loo soo diray galaal galaal diin inowsan udagaalayn umada dhan ayaa og balse ha iska celsho alshabab iyo gabal u dhac daahir aways

  3. mahad cabdi says:

    asc , qayladhaanta ka soo yeerayso ururka ku caanbaxay majaxaabinta qaranimada soomaliya waxba soo kordhin mayso , insha allah wayna dabar go’idoonaan, shacabka soomaaliyeedna way ka dharagsanyihiin ficiladooda guracan

  4. Mursalow says:

    Haddii la dilo asagoo niyad fiican oo dawladda sharciga ah difaacaya wuxuu noqonayaa shahiid ay dishay Bughaad (xisbul islaam iyo Al shabaab).

    haddiise niyaddiisu tahay inuu laftigiisu soo jabhadeeyo oo uu dhalal soo qabsado sidii dagaal oogayaashii hore iyo kuwa dambe ( xisbul islaam iyo Alshabaab) dee wuxuu noqonayaa baaghi uu baaghi kale dilay, Ilaah baana arintoodu u taal. waa laba muslim oo labaduba xaqdarro ku taagan oo isdilay.

    Allahu mustacaan

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.