Madaxii Al Qaacida ee Soomaaliya oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Sababta Dilkiisa

Muqdisho, (RBC Radio) Madaxii ururka Al Qaacida ee Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen rag ilaalo u ahaa oo Soomaali ah.

Idaacada afka dowlada ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa Isniinta maanta ah baahisay in sarkaalkii madaxa u ahaa ururka Al Qaacida ee Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Camar Ibraahim ay toogteen niman ilaalo u ahaa oo Soomaali ah xilli uu ku sugnaa gudaha guri ku yaalla magaalada Muqdisho.

Camar Iberaahim ayaa ahaa nin u dhashay dalka Jordan (Urdun) waxaana uu bedelay Saalax Cali Saalax Al Nabhan oo ahaa madaxii Al Qaacida ee Geeska Afrika kaasi oo bishii September ee 2009 lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaarado Mareykanku leeyahay oo ka dhacday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Camar Ibraahim waxaa uu ahaa hogaanka sare ee ururka Al Shabaab oo ay isku xiran yihiin Al Qaacida, waxaana uu qeyb weyn ku lahaa hawlgalada ururka Al Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sida warar soo baxaya ay sheegayaan waxaa dilka Camar Ibraahim oo ahaa xubin sare oo ka tirsan kooxaha Shabaab iyo Al Qaacida ay ka dambeysay ka dib markii mura hoose oo maalmahanba soo jiitamayey uu soo kala dhexgalay qaar ka mid ah xubnaha ururka Al Shabaab, taasi oo sababtay in nimankii loo xil saaray amaankiisa ay rasaas ku dilaan.

Waxaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in saraakiil sare oo ka tirsan hogaanka Shabaab ay gaareen goobta lagu dilay Camar Ibraahim, waxaana hadda socda baaris ay xubnaha Al Shabab ku ogaanayaan sababta dilka sarkaalkaasi sababtay.

Raggii ilaalada ahaa ee dilkan loo maleynayo inay geysteen ayaa baxsaday.

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

3 Responses for “Madaxii Al Qaacida ee Soomaaliya oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Sababta Dilkiisa”

  1. salaad says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk ilahay iskugiin dhameeh awalba soomaaliy saad uburburinlahaydeen baad kuhishiiseen tuuko

  2. Waayeel W. says:

    Assc.
    Ninka la yiri waa la dilay hadduu fidno ka shaqeeynjirey maantuu hayaa.Tii Rabbina (swt) way u laaban tahay oo xaal fari kama qodna.Ninka u dhashay Jordan in uu fidno wale ahaa way u dhawdahaya.Horaa loo yiri qofkii xumaan ka shaqeeya isagay ku dambeysaa.Meeye habaar qabayaashiin Soomaali xasuuqi jirey?Caydiid meeyey?Cabdullaahi Yuusuf maxuu hayaa waakaas laajinimada ku jooga dibadaha.Caato xaggee ku dambeeyey?M.S.Bare silic ayuu ku dhintay.Bare Hiiraale waa kan Doolay soo dhaafi la.Daahir Suudi iyo Ina Qanyare war dambe laga waa.Mooragn wax sheega lama hayo.Saasaa u wada dambeysa dhiig yacabka.Shariif madaxweyne dhiig yacabkuu ka mid yahay oo isagana maalintiisaa sugeeysa.
    Waayeel.
    w s c

  3. Al Catraz says:

    Waa war xagga dhimirka iyo dhagahaba u roon hadduu dhaboobo e, jahannaba la geeye joordani ah hadday xamar dhex jiideene. waa jab soo jiitay dhagaha intii jecel soomaalinimo e. ilaahow jiilkan indhaha xiran (alshabaab) xaabbaday wataan xabbadka u jiid.

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.