Dooni Tahriib Siday oo Ku Soo Caarisay Xeebta Degmada Laasqorey
Laasqorey, (RBC Radio) Dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah ayaa ku soo caarisay xeeb ku dhow degmada Laasqorey ee Bariga gobolka Sanaag.
Doonidan oo markii hore ka qaaday xeebaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari dad gaaraya 135 ruux, kuwaasi oo isugu jira rag iyo haween.
Sida ay sheegeen saraakiisha degmada Laasqorey waxaa doonidan soo caarisay la xumaaday matoorkii doonta iyadoo ugu dambeyntiina doontu ku soo xiratay xeebta Laasqorey ka dib markii ay badda hehaabeysay mudo 2 maalmood ah oo aysan dadkii saarnaa waxba cunin.
Dadkii doonta la socday ayaa ka soo badbaaday 70 qof kuwaasi oo hadda lagu hayo gudaha degmada Laasqorey, iyadoo 1 ruuxna meydkiisa laga heley isla xeebta ay doontu ku soo caarisay. Waxaa weli maqan dad ka badan 65 qof.
Saraakiisha saldhiga booliska degmada Lasqorey ayaa ka codsaday hay’adaha samafalka iyo maamulka Puntland inay gacan ka geystaan sidii dadkan gurmad loogu fidin lahaa maadaama qaarkood ay xaaladoodu liidato.
Waxaa sidoo kale saraakiisha maamulka degmada Laasqorey ay codsadeen in dadkan oo dhamaantood ah Soomaali dib loogu soo qaado magaalada Boosaaso.
Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa maanta gurmad dawo ah gaarsiiey dadkaasi oo qaarkood xanuuno ay hayeen waxaana qaar ka mid ah dadka intoodii caafimaad qabtay ay baabuuro u raaceen magaalada Boosaaso.
Waxay dhacdadan ku soo beegmeysaa xilli isla todobaadakan dooni kale oo ay saarnaayeen dad tahriib ah ay ku degtey xeebaha Yemen halkaasi oo 10 ruux ay ku geeriyoodeen.
Dadka tahriibka ayaa si qarsoodi ah looga safriyaa xeebaha Boosaaso, iyadoo dadkaasina ay sheegayaan inay nolol iyo amniba ka raadanayaan wadamada Khaliijka Carabta. Waxaana aad u yar tirada badbaada ee nolol ku gaarta Yemen.









