Maamulka Golaha Deegaanka Oo Booqdey Kaamamka Dadka Soo Barakacay Ee Gaalkacyo (Sawiro).

Cawil Maxamuud Cabdi

RBC Radio, Gaalkacyo

Cawil@raxanreeb.com

Gaalkacyo (RBC Radio):- Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku kala bixiyey dhowr kaam oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, kuwaasi oo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xubnahani kormeerka ku tagey xerooyinka dadka soo barakacay ayaa kala ahaa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo Mudane Farxaan Cali Xirsi, Kuxigeenka Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Mudane Axmed Muuse Nuur yare, Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Mudane C/laahi Farey, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Golaha.

Wafdigani oo uu horkacayey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ayaa waxaa ay booqdeen ilaa iyo 6 kaam oo ay ku nool yihiin dad ku  barakacay dhibaatada dalka ka jirta, xerooyinkaasi oo kuwooda ugu waaweyn ay kala yihiin, Warshad Galeey, Buulo Kaantarool, iyo Alla aamin.

Ujeedada dhabta ah ee xubnahani ka socda Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ay u booqdeen xerooyinkaasi ayey ku macneeyeen is xog wareysi ku saabsan nolosha iyo amaanka dadka barakacayaasha ahi, waxaana intii ay booqashada ku jireen ay sameeyeen wada sheekeysi dhexmaray maamulka iyo dadka barakacayaasha ah ee joogay halkaasi.

Madaxa Amniga Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo C/laahi Farey ayaa dhamaan xerooyinkii maanta ay tageen dadkii joogay waxaa uu kala hadley arimaha amaanka iyo sida ugu haboon ee looga shaqeyn karo, isagoo tusaale u soo qaatey in dalka haatan uu marxalad adag marayo isla markaana la doonayo in lagalo feejignaan dheeri ah wuxuuna yiri ” Waxaad maqashaan in qaraxyo maalmahan meelo la galiyey, qaraxyadaasi waxaa fashiliyay oo ciidanka u soo sheegay waa shacabka Gaalkacyo, marka waa inaad idinkuna sidaa oo kale yeeshaan, si amaan buuxa loo helo, runtii haddii aan amaan la helin labo qof oo meel si nabad ah u wada joogeysa ma jirto”.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Kuxigeenkiisa ayaa dhinacooda su’aalo ka weydiiyey barakacayaashu baahiyada ay qabaan, waxaana dadka ku nool dhamaan kaamamkaasi ay sheegteen baahiyo farabadan oo dhinaca nolosha iyo hoygaba ku saabsan, gaar ahaan dhinacyada Nadaafada, Amaanka, Caafimaadka, iyo Nolol maalmeedka.

Maamulku waxaa uu sidoo kale weydiiyey in ay jiraan cid samafal qaabilsan sida Hay’ada Samafalka iyo kuwa NGO-yada wax ay siiyaan, waxayna intooda badan sheegeen in ay san jirin wax naf leh oo ka soo gaara Hay’adaha iyo NGO-yada inkastoo qaarkood sheegeen in ay jiraan WFP in ay ka saacido dhinaca quudinta, halka DRC ay iyaduna dhinaca waraabka ka saaciday.

Isku soo wada duuboo arintani ayaa qeyb ka ah howlo shaqo oo maamulka Golaha Deegaanku ku xoojinayo arimaha bulshada, gaar ahaan dadka soo barakacay, waxaana Gudoonka Golaha Deegaanku sheegay in ay jirto booqasho labaad oo ay ku wehelin doonaan maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Samafalka, si wax looga qabto baahiyaha jira ee ay qabaan Barakacayaashu.

RBC Radio.

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

1 Response for “Maamulka Golaha Deegaanka Oo Booqdey Kaamamka Dadka Soo Barakacay Ee Gaalkacyo (Sawiro).”

  1. hershi aroni says:

    labaatan sano ka dib xagay ka soo qaxeen, badda isku gura

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.