Xafiiska Bartamaha ee Bariga Afrika oo lacago tabarucaad gudoonsiiyay Hooyo Soomaaliyeed oo dawarsata

Nairobi Xafiiska Bartamaha ee bariga afrika ayaa lacago loogu tabarucay gudoonsiiyay hooyo soomaaliyeed oo ka tuugsata wadooyinka magaalada nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Agaasimaha Bartamaha ee qaaradda afrika Cabdiqafaar Axmed Shire ayaa lacagtan tabarucaada ah oo ay soo direen qaar kamida soomaalida qurbaha ku nool maanta gudoonsiiyay hooyo soomaaliyeed oo tuugsata laguna magacaabo Caasho Axmed Maxamed Cali.

Caasha Axmed Cali waxay ka tuugsataa wadooyinka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyadoo u soo qaraab doonata hotelada ugu caansan xaafadda islii ee ay soomaalidu leeyihiin halkaasna uga dawarsata afar caruura oo ay dhashay oo mid kamida uu agoon yahay.

Hadaba taariikhdu markay ahayd 24/01/2010 ayaa barnaamijka Wargelin oo ah barnaamij todobaad walba ka baxa qaar kamida bogagga soomaalida iyo telefishinka Universal waxaan ku soo bandhigney xubin gaara oo ku saabsanayd hooyo soomaaliyeed oo u tuugasata caruur yar yar oo ay dhashay, iyo bal qaabka ay u nool yihiin dhamaantood. Kadib markii aan baahiney arintaasi oo uu gacan weyn ka geystay soo saaraha iyo tebiyaha barnaamijka Wargelin Cabdisalaan Caato mar uu sanadkan bilawgiisii booqasho ku soo gaarey dalka Kenya ayaa arintaasi baahinteeda kadib waxaa gacan hagar la,aana uga soo jawaabay dad kamida bulshada soomaliyeed ee ku nool daafaha caalamka.

Dadkaan gacanta ka geystay tabarucaadan ayaa waxay hooyadaasi soomaaliyeed u soo direen lacago kala duwan iyagoo u soo mariyey xawaaladaha soomaalida oo ay ugu badnayd lacag loogu soo direy Acountiga hooyadaasi looga sameeyay xawaaladda Tawakal.

Hadaba maanta ayay noo suuro gashay inaan hooyadaasi ku wareejino lacagtii loogu soo direy Accountiga xawaalada Tawakal, lacagtani oo gaareysay ilaa iyo $710 ayaa waxaa soo kala Direy:

1. Sheekh Cumar $500 Holland 2. Somali tabaruc $110 Birmingham, Uk 3. Fowsiyo Y Hussein $50 Minneapolis, MN, 4. Xaawo Geelle $50 Leicester, Uk Wadarta Guud $710.

Lacagtaan wadarteedu ay kor ku xusan tahay ayaa waxay tahay lacagtii hooyadaan loogu soo direy accountiga looga furey xawaaladda tawakal.

Sidoo kale waxaa jira lacago kale oo loo soo mariyey xawaaladaha kale ee soomaalida qaarkoodna ay u soo qaadeen qaar kamida hawlwadeenada Universal Tv, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan lacago ilaa iyo weli yaala xaawaladaha qaarkood kuwaasi oo lafilayo in maalmaha soo socda halkaasi laga soo qaado islamarkaana lagudoonsiiyo hooyo Caasho Axmed Maxamed Cali.

Hadaba qaabkii ay u gudoontay Caasho Axmed Maxamed Cali lacagihii loo soo direy iyo dhaamn dadkii u soo direy magacyadooda iyo halkii looga soo direy ayaad waxaad uga bogan doontaan barnaamijka wargelin todobaadyada soo socda.

Xafiiska Bartamaha Bariga Afrika.

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

1 Response for “Xafiiska Bartamaha ee Bariga Afrika oo lacago tabarucaad gudoonsiiyay Hooyo Soomaaliyeed oo dawarsata”

  1. ADAM says:

    ASALAMU CALAYKUM: WALAALAHAYGA SOOMAALIYEED WAXAAD QABATEEN CAMAL WANAAGSAN OO IN LAGU DAYADO MUDAN. ( INTA UU ADOONKA ILAAH CAAWINAAYO WALAALKIISA DHIBAATEESAN ASNA RABI AYAA KA ABAAL MARINAYO MAALINKA QAYAAMAHA) WAXAAN KU TALINAYAA WALALAHAAS WANAAGSAN IN CAMAL KAAS AY QABTEEN LAGAU DAYADO WALAALAHA SOOMALIDA EE QURBAHA JOOGA.

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.