Burcad Badeed Soomaali ah oo Xeebaha Yemen Ku Dishay Nin Kalluumeyste ah

Cadan, (RBC Radio) Wasaarada arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa xaqiijisay in burcad badeed Soomaali ah ay dileen ugu yaraan 1 nin oo kalluumeysatada Yemen ka mid ah ka dib markii burcad badeedu isku dayday inay weerarto dooni kalluumeysi oo Yemen laga leeyahay.

Saraakiisha amaanka ee gobolka Xadramout ee dalka Yemen ayaa sheegay in nin kalluumeyste ah oo lagu magacaabo Muxamad Khal Bawaseer laga war heley in lagu dilay xeebaha dalka Yemen kaasi oo ay toogteen burcad badeed Soomaali ah oo isku dayday inay dhacaan doon ay saarnaayeen 9 nin oo kalluumeysato Yemeniyin ah.

Lama oga halka ay ku dambeeyaan kalluumeysatadii kale iyo doontiiba, waxaana ciidamada Yemen ay sheegeen inay baadi goob ugu jiraan doonta iyo kalluumeysatada.

Ciidamada Yemen waxay ka shaki qabaan in burcad badeedu ay dhacday doonta si ay ugu gaadaan maraakiibta ay doonayaan inay qafaashaan. Burcad badeeda ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale afduubay doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa weerarooda ku baahiyey xeebaha ka baxsan Soomaaliya halkaasi oo ay maraakiibta ku weeraraan iyagoo ka dibna ka dalbada in lacag madax furasho ah laga siiyo.

Warar kale ayaa sheegaya in xeebta galbeedka Yemen ay ku soo xiratay dooni ay la socdeen 9 nin oo kale oo kalluumeysato Yemeniyiin ah kuwaasi oo ay dhowaan qabatay dowlada Eritrea oo ku eedeysay inay si sharci darro ah ku galeen xeebaheeda.

RBC Radio

  • Share/Bookmark

Tags:

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.