SOMPED: Cambaareyn Xadgudubka & Jirdilka Loo Geystey Wariye Axmed Nuur Ibraahim

SOMALI MEDIA, PEACE AND DEVELOPMENTS

Somped
2185 Morse RD suite 70
columbus Oh 43229

Gudoomiyaha ururka SOMPED ayaa cambaareeyey u soo jeediyey isla markaana dalbaday in si deg deg ah loo baaro weerarkii lagu qaaday wariye Axmed Nuur Ibraahim oo loo yaqaano (Axmed Soomaali) oo ka tirsan Radio Daljir, kaasoo jirdil iyo garaac ay u geysteen ciidamo ilaalo u ah sarkaal ka tirsan maxkamada 24kii February.

Axmed Nuur Ibraahim waxaa uu ka qeybgalayey dhegeysi ka dhacay maxkamada magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland markii ay garaaceen 5 nin oo waardiye u ah xeer ilaaliyaha maxkamada Boosaaso oo lagu magacaabo Axmed Taaran. Iyadoo wariyaha loo geystey dhaawac ka soo gaaray madaxa iyo xabadka, sida uu xaqiijiyey agaasimaha guud ee radio Daljir.

Weerarkan ayaa dhacay ka dib markii gudoomiyaha maxkamada uu u fasaxay wariyaasha gudaha iyo kuwa dibada inay ka qeybgalaan dacwad ka dhacaysay maxkamada maalintii Arbaca, laakiin Axmed Taaran ayaa ka hor joogsaday wariyaasha inay duubtaan codadka gudaha hoolka maxkamada.

“Markii na loo diiday inaan codad ka duubano maxkamada waxaan dam,acnay inaan ka baxno maxkamada, laakiin nasiib daro Axmed Taaran ayaa igu bilaabay dharbaaxo iyo laad ii iiga garaacay wajiga iyo xabadka”, sidaas waxaa cod aad u hooseeya ugu sheegay wariye Axmed Nuur Ibraahim.

“Wuxuu I dharbaaxay dhowr goor wuxuuna laad (haraati) iigaga dhuftay xabadka, ka dibna waardiyaashiisa ayaa bilaabay inay qoriga igu garaacaan”, ayuu hadalkiisa ku daray wariyuhu.

Axmed Nuur Ibraahim (Axmed Soomaali) waxaa uu sidoo kale wariye u yahay wakaalada wararka Qaramada Midoobay IRIN oo fadhigeedu yahay Nairobi.

“SOMPED waxay si adag u dhaleeceyneysaa weerarka iyo dhaawaca loo geystey wariyaha, iyo sidoo kale la xisaabtan la’aanta ciidamada maamulka Puntland oo u ogolaatay inay wax kasta oo sharciga ka baxsan ay sameeyaan”, sidaas waxaa yiri gudoomiyaha SOMPED Faarax Axmad Caato.

Wuxuu gudoomiyuhu sidoo kale dalbaday in baaritaan lagu sameeyo weerarkan iyo xad gudubyada kale ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha kuwaasi oo ay galaan ciidamada.

For more information contact SOMPED chairperson Faarax Axmad Caato
Tel: (614) 733-9396 or email: Caato@Somped.org

  • Share/Bookmark

Hadii aad Dooneysid in aad Rayigaaga ka Dhiibatid Qoraalkaan amaba Qoraalada Kaleba waa in aad is Qortaa oo Member ka Noqotaa Raxanreeb.com.

Waxa Kaliya oo aad u Baahan Tahay in aad Sameysatid

  1. Magac kuu Gaar ah & E Mail kuu shaqeynayana aad ku qortid si aanu kuugu soo dirno Password adiga kuu khaas ah Kadibna Taabo Halka ay ku Qoran Tahay Register oo Qura.

    Isla Markiiba waxaan kuu soo diri doonaa Password kuu Khaas ah

Halkaan Guji Si aad u Sameysatid User Name kuu Gaar ah.

Emailkaaga ka eeg Password soo dirahana waxaa ku Qornaan Doono WordPress

Hadii aad Garan Weydo Sida la Isku Qoro oo Caawimaad u Baahatid E Mail noogu soo dir Raxanreeb@gmail.com ama aad soo Wacdid Tell (347) 878-2177

You must be logged in to post a comment Login

Fadlan Dhiibo Fikirkaaga si Xor ah, Kana Fogow Aflagaado, Dhaqan xumo ama Ku Xadgudub Shakhsi, Beel ama Koox Gaar ah.

Raxanreeb.com way Masixi Doontaa Haddii Commenti-gaagu uu yahay Aflagaado, Dhaqan xumo ama Xadgudub.