Ciyaaryahan Kale Ee Ku Geeriyooday Ciyaarihii Isbuucaan Ee Qaarada Africa Ka Dhacay
Waxaa wali si la yaab leh usii soconaya Geerida Ciyaartooyda ku imaaneysa marka ay Garoomada ku dhex jiraan,iyadoona Naadiga Kessben ee ciyaarta Horyaalka Dalka Ghana ay ku dhawaaqday inuu geeriyooday Daafaceeda Bartholomew Yeboah.
Ciyaaryahan Bartholomew Yeboah ayaa si lama filaan ah dhulka ugu dhacay intii ay socotay Ciyaartii u dhaxeysay Kooxdiisa Kessben iyo Liberty ee ka tirsaneyd wareega 21-aad Horyaalka Ghana ee ku dhamaatay 4-0.
Bartholomew Yeboah oo 20-sano jir ahaa dhulka ku dhacay ka hor dhamaadkii ciyaarta 7-daqiiqo,iyadoona si deg deg ah loola cararay Hospitaalka,laakiin waa lagu guuldareystay isku daygii lagu badbaadinayay Xiddigaan.
Mas’uuliyiinta Naadiga Kessben ee uu Xiddigaan ka tirsanaa ayaa aaminsanaa in xaalada Xiddiga ay wanaagsanaan doonto markii Isbitaalka la geeyay,laakiin niyad jab aad u daran ayey la kulmeyn markii lagu wargaliyay subaxdii siniinta in Yeboah uu geriyooday,waxeyna haatan dhaqaatiirta ka sugayaan sababihii keenay geerida Ciyaaryahanka.
Yeboah oo 20-sano jir ahaa ayaa waxuu ciyaarahiisa ka soo bilaabay Kooxda Nania FC oo uu leeyahay halyeygii hore Waddanka Ghana Abedi Pele,waxuuna labo sano ka hor ku biiray Naadiga Kessben.
Si kastaba Xaladaan ayaa imaaneysa in ka yar 48-saacadood dhimashadii Xididgii Nigeriaanka ahaa ee Endurance Idahor,kaasoo uu wadnaha istaagay intii lagu guda jiray Ciyaar ka tirsaneyd Horyaalka Dalka Sudan ee u dhaxeysay kooxaha Al-Merrikh and El Amal.
C/Qadar Shakra
Radio RBC Sports








