Dagaalada Muqdisho oo Sababay Barakacii ugu Badnaa (Sawiro & Faahfaahin)
Muqdisho, (RBC Radio) Dagaalo maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare xoogan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan caasimada, iyadoo uu dhinaca kale jiro barakac xoogan oo ka socda qeybaha waqooyiga iyo koonfurta magaalada.
Boqollaal qoys oo ka mid ah kuwa tirada yar ee ku nool xaafadaha magaalada ayaa maanta bilaabay inay isaga cararaan xaafadahooda. Inkastoo aanu jirin tiro koob guud oo ku saabsan dadka ka cararay guryahooda haddana waxaa si weyn magaalada looga dareemayey labadii maalmood ee la soo dhaafay oo ay dagaa;laduna socdeen in dadku ay isaga barakacayeen magaalada.
Dadka ku sugan Muqdisho waxay sheegayaan in barakaca haatan ka jira Muqdisho uu yahay kii ugu badnaa ee waayadan laga dareemo caasimada iyadoo la dhihi karo intii yareyd ee dadka ee ku harsanaa magaalada ayaa isaga baxday magaalada.

Wariyaasha RBC Radio waxay soo sheegayaan in meelaha ay dadku ka qaxayaan waxaa inay ugu badan yihiin degmooyinka Shibis, Kaaraan, Wardhiigley, Hodan iyo C/casiis, walow magaalada oo dhan barakacu uu saameeyey.
Waxaana dadku intooda badan u socdaan deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada halkaasi oo horeyba dad badani qoxooti ugu ahaayeen. Waxaase jira dad u barakacaya degmooyinka Madiina iyo Dharkenley oo ka mid ah qeybta koonfureed ee magaalada oo wax xoogaa yara dhaanta dhinacyada bartamaha iyo waqooyiga magaalada ee dagaaladu iyo duqeymuhu ka socdaan.

Dagaalada xoogan ee u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha mucaaradka ayaa dadka si weyn uga argagexeen ka dib markii la isu adeegsaday dagaalka saddexda maalmood socda hubka culus ee madaafiicda ah, kuwaasi oo dadweynaha u diiday hargal iyo hoyaad.
Shaqaalaha isbitaalada caafimaadka ayaa u sheegay RBC Radio in marka la isu geeyo saddexdii maalmood ee dagaalku socday inay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 50 ruux iyadoo dhaawacuna uu ku dhow yahay 90-meeyo. Dagaalka maanta oo kaliya auaa waxaa ku dhintay 10 ruux iyo dhaawac gaaraya in ka badan 10 kale.

Rayidka ayaa waxyeelada dhimashada dhaawaca waxay ka soo gaareysaa duqeymaha xoogan ee ku habsanaya meelaha ay dadku ku gabadaan sida guryaha iyo suuqyada oo dadku miciin bidaan marka dagaalku uu socdo, waxaase jira rasaas habow ah oo dadka iyana waxyeesha.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay isbitaalka la keenay dhaawac ka badan 60 ruux oo rayid ah.
Saraakiisha goobaha caafimaadka waxay walaac ka qabaan inay aad u yar tahay gurmadka loo sameyn karo dadka rayidka ah iyadoo aan la gaari karin meelaha dagaaladu ka socdaan ee dadku ku dhaawacmayaan.

Marka la eego dagaalkan oo bilawday maalintii Arbacada waxaa uu u muuqdaa mid aad u weyn oo laga yaabo inuu qaati waqti dheer, maadaama uu ku soo beegmay xilli labada dhinac ee dowlada iyo mucaaradku ku hanjabeen dagaal, isla markaana dhinac walba si wanaagsan ugu diyaar garoobay dagaalka, waxayna taasi wax aad u yar ka dhigeysaa rajada laga qabi karo in dagaalku joogsado waqti dhow.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale maanta dadweynaha ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha uu dagaalku ka socdo si aysan u dhicin in rayidka khasaare soo gaaro.
Saraakiisha dagaalka ee dowlada ku meel gaarka iyo Al Shabaab ayaa labaduba si kala gaar ah uga hadlay dagaalka waxayna kala sheegteen guulo ay ka gaareen dagaalka maalmahan socday.

Dowlada ku meel gaarka waxay sheegtay horumar ay ka gaartay dagaalka, kaasi oo ah goobo ka mid ah qeybihii ay horey u joogeen mucaaradka oo ay la wareegeen ciidamada dowlada, waxaana meelaha at dowladu sheegatay inay qabsatay ka mid ah degmooyinka Shibis iyo qeybo ka mid ah Kaaraan.
Laakiin ilo madax banaan ayaa RBC Radio u sheegay in goobahaasi ay isla shaleyba ka soo baxeen ciidamada dowlada oo markii horeba meesha ku tegey caawimaad ay ka heleen ciidamada AMISOM oo dagaalka maalmahan qeyb weyn ka qaatay.
Xoogaga mucaaradka, gaar ahaan ururka Al Shabaa oo dagaalkan u muuqda in si keligood ah ay ugu jiraan ayaa iyaguna sheegtay inay gubeen ugu yaraan mid ka mid ah taangiyada dagaalka ee AMISOM, waxayna sidoo kale guulo ka sheegteen goobihii lagu didiray oo ay dib u qabsadeen.

Dhinaca kale waxaa soo kordhaya baaqyada ka soo baxaya waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo, mana muuqato cid baaqyadaasi hadda dhegeysaneysa.


Sawirada: Wakaaladaha









War ummadaan habaar baa haysta, bal arka ciyaalka yar yar oo qoryaha la ordaaya iyo tangiyada lala dhacaayo oo aysan marna ka ka istaageen ooo umadda oo dhana ay ku galaaftaan, waa arin naxdin ah.
dadka soomalida ah kuligood saas ma ahan, oo ilaahey saas oo kale nagama dhigo. Ilaahey somalida
ha kawada dhigo dad wax garad ah oo nabada iyo diinta jecel.
dadka afarta iyo labaatanka saac xabada isla dhacaya waa meela kooban ee somalia, sida xamar,
dhusamareeb, hobyo, xaradheer iyo inta u dhaxeysa.
marka somali oo dhan sidaas oo kale ilaahey kuma jaribin.
intaan kuwaalatay xaraanta, dagaalka, iyo dhiiga muslimka ah oo sida fudud loo daadinayo ilaahey ha ka qabto Somalia.
Kuli fitno waa Muqdisho!!!
maanta arag sida somalia badankeed ey u hormartay, iyo ganacsiga, waxbarasha iyo nabada ka jira magaalooyink:
Boosaaso
Hargeisa
Gaalkacyo
Boorama
Garoowe
Badhan
Laascanood
Burco
Goldogob
Berbera
Qardho
Baidoa(badankeed waa nabad)
Bardheere(sidoo kale badankeed waa nabad)
Marka Somalia oo dhan ma haleysna, ee inyar ayaa waalatay oo farahii kabaxday,
marka hadee ilaaheey intaas yar oo Wadankii oo dhan haleysay hanaga qabto, oo jidka wanaagsan ha tuso.
Waxaan ayaan horay maqlaayey nin somali ah oo dhahaayo Jaamacad aan u raadsahaa Xamar, saaxiibkeey aa dhahay xeey tahay University aad raadsaheesi, waxaas dhahay Computer Engneering, areey maa gashi University of War mahaan xamar Al-shabaab ka fureen.kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Jees-jeesku ma fiicna .. dadkaas dhibanna ilaahay dhibta ha kasaaro.
Anigu waxaan hubaa dadka koonfureed hadday hal mar nabad heli lahaayeen inay ku fara-adaygi lahaayeen , maxaa yeelay waxay hadda ogyihiin waxa nabadi tahay ama colaadi tahay.
laakiin bal hadda reer QARDHO fiirsha oo dagaal ooge jaajuus ah gardarro ugu hiilinaya. sow waxaasi wixii reer kofureed 18 sano ku halaagsameen ma aha.
Waxaan aamin sanahay in maanta dad badan oo reer puntland ah uu caqligoodu joogo meeshii 18 sano ka hor reer koonfureed joogeen.
Somalia waxa u legdamaya laba dana gaar ah wata oo aan midna dalka iyo dadka dan u hayan markaa waxa dhaw la soo dhawysan karaa dhinaca dawlalada ku meel gadh ah ee dhinaca kale waa cadaw raxariistii shaydaan ka dheereeyay oo ku tuntay dadkii shicibka ahaa oo u diiday inay mar qudha salka dhigaan, kuwaas oo waliba ku soo gabanaya diinta laakiin ka beensheegay, arintaa ilaahay ayuunbaa wax ka qaban kara uun, ILLAHAYAW SOMALIA NASRI U SOO ROG OO AL SHABAAB KA QABO.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!